(Salaamanews)-Waloow maalmihii dambe loo dabaal dagayaay munaasibad farxadeed manta oo kale waxaa dalka Soomaaliya la xusaa maalintii ugubka qaraxyada iyo ismiidaaminta oo ay halaagsameen wasiirradii ugu qiimaha badnaa bulsha weynta Soomaalida.
Saddexda December 2009 waxay ahayd maalintii hotel-ka Shaamo ee magaalada Muqdisho lagu xasuuqay wasiirradii dowladda, shacabka, wariyeyaasha iyo qalin-jebiyeyaashii kulliyadda caafimaadka Banaadir.
Marnaba kama go’ayso maskaxda shacabka maalintan iyo maalmaha kale ee la xasuuqay shacabka aan wax galabsan ee Soomaaliyeed.
Qaraxaas waxa uu gallaaftay nolosha 4 wasiir oo kala ahaa wasiirkii tacliinta sare, wasiirkii waxbarashada, dhallinyarada iyo cayaaraha iyo caafimaadka.
Sidoo kale, saddex wariye, bare jaamacadeed oo caan ahaa, arday caafimaadka ka qalin-jebisay, waalidiin iyo shacab kale ayaa ku geeriyooday goobta, iyadoo dad badan ay xubno muhiim ah oo jirkooda ka tirsan ay ku waayeen.
Maalintaasi waxay daaha ka rogtay qaraxyo isdaba joog noqday oo caasimaddu ay taariikhda u gudbisay sida qaraxii ka dhacay Hargaha iyo saamaha, weerarkii garoonka Muqdisho, midkii Hotel Mudana, isku daygii fashilmay ee Jazeera Hotel iyo qaraxii Hooyooyinka oo ahaa midkii ugu xumaa ee ka dhacay Muqdisho.
Dhamaan qaraxyadaasi oo maalmo gaar ah lagu xasuusto waxaa albaabada u furay weerarkan naftii hurnimada ahaa ee ka dhacay Hotelka Shaamo ee magaalada Muqdisho.
Dadku maanay aqoon qarax ismiidaamin ah, laakiin waxay maqli jireen ismiidaamin manta ka dhacday Ciraaq, Afghanistan, iyo wadamada kale ee ay ku xoogantahay Al-qaacidda.
Weerarkaasi waxaa lagu tuhmay kooxda Al-shabaab oo xilligaasi ku xooganeyd Muqdisho iyo gobollo dhaca koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, laakiin baaritaan iyo xog wareysi kadib waxaa leysku raacay in weerarka uu fuliyay nin hotelka soo degay 8-maalmood ka hor maalinta uu qaraxa dhacay.
Saadaam Cabdullaahi Macallin, wuxuu kamid ahaa ardaydii ka qalin jabineysay kulliyadda caafimaadka, wuxuu goob joog u ahaa dhacdada, Hotel Shaamo, asigoo gacan la’ ayaan weydiiyay sidii uu ahaa weerarkii Hotel-ka ka dhacay.
“Waxaan joogay qeybaha dambe waloow, qaraxu uu ahaa mid ka dhacay albaabka iyo iridka hoolka, hadana aniga ayaaba isku heysta inaan noqday shaqsigii ugu badbaada wanaagsanaa, gacanteydan ayaa ku maqan qaraxaasi” ayuu yiri Saadaama asigoo ilmeynaya.
Wariyeyaal waqtigaasi goobta joogay oo aan la hadlay ayaa muujiyay in maalinta 03-da December 2009 lagu tilmaami karo, maalinta murugta Soomaaliya, waxaana maalintaasi Muqdisho ka dhacay weerar ismiidaamin midkii ugu xooganaa.
Daawo warbixin ka hadleyso 03-dii December 2009.
Salaama News
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






