Home »
Ra’isal wasaaraha iyo afar wasiir oo tagay magaalada Marka
(Salaamanews)-Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa gaar dhowayd gaaray magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wafdiga raysul wasaaraha ayaa la sheegay inuu u kuurgalayo xaaladda amni ee degmada Marka oo ay joogaan ciidanka dowladda Soomaaliya.
Xubnaha wafdiga waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga...
Hidaha iyo dhaqanka oo la baadi goobayo Muqdisho
(Salaamanews)-Maamulka gobolka Banaadir ayaa u ballanqaaday farsamayaqaannada farshaxanka hiddaha iyo dhaqanka, in dib loo hagaajin doono suuqyada ay ka howgeli jireen ee magaalada Muqdisho iyo tababarro kor loogu qaadayo xirfadaha farshaxanka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nur Tarsan oo maanta kulan kula yeeshay xarunta gobolka farsamayaqaannada farshaxanka ayaa u sameeyay ballanqaadkaas.
Qaar...
Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaaliya lacag xumi ayaa heysa”
(Salaamanews)-Madaxweynaha jamhurriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels ee xarrunta dalka Belgium kula kulmay madaxa Golaha Midowga Yurub, Herman Van Rompuy.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada-arrinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo taageerada ay Midowga Yurub siiyaan Soomaaliya.
Waxa uu Herman Van Rompuy sheegay in Midowga Yurub uu taageero siinayay Soomaaliya...
Suldan caan ahaa oo ku dhintay dalka Kenya
(Salaamanews)-Alle ha u naxariistee waxaa saaka magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee gobollada Jubbooyinka.
Suldaanka ayaa u geeriyooday xanuun uu la jiifay in dhowaaleba, sida uu xaqiijiyay Axmed Kamaal Muxummed Amarre oo ka mid ah ehelada marxuumka.
Meydka suldaanka ayaa lagu wadaa in loo qaado gobolka Jubbada Hoose si halkaas...
UNHCR “Soomaalidu dalkooda ayay ku noqonayaan”
(Salaamanews)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in qaar ka mid ah qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya ay muujiyeen sida ay u rabaan inay dib ugu noqdaan Somaaliya kaddib markii uu hagaagay ammaanka gobollada koonfurta ku yaalla ee dalka.
UNHCR waxay sheegtay in 18 qoys oo qaxooti ah oo ku nool xerada Ifo II ay iska xaadiriyeen xafiiska hay’adda si ay ugu xaqiijiyaan...
President Zuma pledges support to Somalia
(Salaamanews)- President Jacob Zuma yesterday has pledged Pretoria’s support to the recently-formed government of Somalia. Speaking at a ceremony in Pretoria yesterday to welcome 11 new ambassadors to South Africa including the one representing the east African country, Zuma said that Pretoria is determined to assist in ensuring lasting peace in the Horn of Africa.
Somalia new administration...
Xukuumadda Soomaaliya iyo qaramada midoobay oo heshiis muhiim ah wada galay
(Salaamanews)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid ayaa xusay in kulankoodan ay uga wadahadleen sidii Q/midoobay ay u taageeri laheyd Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaana taabagelinta qorsheyaasha Dowladda ee dhinacyada Garsoorka, Sugida Nabadgalyada dalka iyo weliba guud ahaan Dib u dhiska.
“Waxaanu si qota dheer uga wadahadalnay qodobo badan oo ay ugu horeyso aragtida Soomaaliyada...
Dowladda ayaa abaal marin siineysa ciddii soo gudbisa xog ku saabsan falalka al-shabaab
(Salaamanews)-Dowladda Federaal-ka Soomaaliya ayaa sheegtay inay abaal-marin lacageed oo gaaraysa 5,000 oo doollar ay siinayso cid kasta oo bixisa xog looga hortagayo weerarro, qaraxyo iyo falal ugaarsi ah oo la qorshaynayo in shacabka ama mas’uuliyiinta dowladda lagu dhibaateeyo.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta abaal-marin...
Koofur Africa oo si buuxda u taageertay nabadda Soomaaliya
(Salaamanews)-Koonfur Afrika ayaa ballan-qaadday inay caawineyso dowladda cusub ee Soomaaliya iyo sidii dalka Soomaaliya uu mar kale cagihiisa ugu istaagi lahaa.
Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo khudbad u jeedinayay safiirro cusub oo dalalkooda Koonfur Afrika u fadhin doona oo uu ka mid yahay danjiraha Soomaaliya ee dalkaas ayaa sheegay in dhibaatada Soomaaliya ka jirto ay taabaneyso dadka...
madaxweyne Siilaanyo “Kama xumin aqoonsiga Soomaaliya xaasidna kuma nihin”
(Salaamanews)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo dhoweeyay tallaabadii dhowayd ee Maraykanka uu ku aqoonsaday dowladda federaalka Soomaaliya.
Isagoo khudbaddiisa sanadlaha ah ka hor jeedinayay baarlamaanka Somaliland, Siilaanyo wuxuu sheegay in maamulkiisa uu soo dhoweynayo go’aanka Maraykanka uu ku aqoonsaday dowladda Soomaaliya.
“Kama xumin (aqoonsiga),...



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






