Home »
Baarlamaanka oo dhisay guddiyada la shaqeynaya xukuumadda
(Salaamanews)-Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo kulan xasaasi ah Arbacada maanta ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dooday guddiyada baarlamaanka ee la shaqeynaya xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ay soo xaadireen 176-mudane, ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiye xigeenka labaad ee baarlamaanka mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxaana leysku raacay meel marinta guddiyada.
Baarlamaanku wuxuu...
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga oo gaaray Baydhabo
(Salaamanews)-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi waxaa ku soo dhaweeyay maamulka magaalada gobolka iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia.
Wafdiga wasiiirka waxaa kamid ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade, Maxamed Xuseen Afaraale, Abaanduulaha ciidamada xoogga...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa dalka Sudan Cumar Al-bashiir
(Salaamanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maalintii labaad jooga wadanka Sudan, wuxuuna Arbacada maanta ah booqday magaalada Khartuum ee caasimadda Sudan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Salaasadii shalay markuu tagay Sudan ka degay gobolka Blue Nile, ayaa halkaasi kaga qeyb galay munaasibadda dabaal dega 57-sano guuradii ka soo wareegtay markii ay...
Kenya oo eedeysay dowladii kumeel gaarka aheyd ee Soomaaliya
(Salaamanews)-Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay askar horey uga tirsaneyd ciidanka dowladdii federaalka ee ku meelgaarka ee Soomaaliya inay ka dambeeyaan weerarrada iyo ammaan-darrada ka jirta magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka WaqooyiBari Kenya.
Eedeyntan ayaa waxaa soo jeediyay guddoomiyaha degmada Gaarisa Maxamed Macallin oo ku eedeeyay dhallinyaro Soomaali Keenyaan ah oo ka goostay ciidankii dowladdii...
Kenya oo ka werwersan rabshad ka dhalata doorashada soo socota
(Salaamanews)-Ciidamada baliiska Kenya ayaa billaabay baaritaanno dheeraad, oo lagu ogaanayo xaaladda dadka Soomaalida iyo Keenyaanka kale ee jooga magaalooyinka waa weyn ee wadanka Kenya, xilli ay soo dhawdahay mudadii lagu ballamay doorashada dalka Kenya.
Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa sheegay in heegan buux ay ciidanku gali doonaan inta laga meel marinayo doorashada ka dhaceysa dalka Kenya bisha...
Kenya Police Official Seeks Improved Security
(Salaamanews)-Kenya’s new inspector general of police says he will be leading efforts to combat violence and bolster security ahead of the March 4 general election.
“We have a lot of strategies that we are putting in place to address a number of issues, not only [for] the election, but general security in the country,” said Inspector General David Kimaiyo.
“I am very sure that within the next...
AMISOM oo fashilisay weerar lagula eegtay Shabeellaha hoose
(Salaamanews)-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo howlgal ballaaran ka waday Arbacada maanta ah magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa waxaa lala eegtay qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee laga hago remote-ka.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa mid cuslaa uu khasaare dhaliyay markii uu dhacay kadibna waxaa la sheegay in rasaas ay oodda ka qaadeen ciidamada...
AHSWJ oo qaadacday maamul u sameynta gobollada Jubooyinka iyo Gedo
(Salaamanews)-Xilli maamul u sameynta Jubooyinka ay muranno badan hareeyeen ayaa maamulka Culumaa’udiinka Ahlu sunnah waljamaacah, wuxuu si rasmi ah uga soo horjeestay maamul loo dhanyahay oo loo yegleeloda dadka dega gobollada Jubooyinka iyo Gedo ee dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Ahlu sunnah waljamaacah, ee gobollada koofurta Soomaaliya Shiikh Maxamed Xuseen Al-qaadii, ayaa sheegay inaanay suurta...
Xubno Al-shabaab ka tirsan oo ismiidaamin fulin rabay oo lagu qabtay Kismaayo
(Salaamanews)-Ciidamada maamula magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, ayaa sheegay inay baaritaan ay sameeyeen kadib soo heleen walxaha qarxa oo ay ku soo qabteen raggii watay, waxaana ay sheegeen inay ka hor tagaan weerar ismiidaamin ah oo lala damacsanaa saraakiisha hogaamisa maamulka Kismaayo.
Ciidamada uu hogaamiyo horjoogaha ururka Raaskambooni, Axmed Maxamed Islaam, ayaa gacanta...
Somaliland oo ka hadashay shilkii ugu xumaa oo ka dhacay Hargeisa
(Salaamanews)-Duleedka magaalada Hargeisa ee xarunta Somaliland, shil gaadiid oo ka dhacay waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana dhaawacyada la dhigay cisbotaalka magaalada Hargeisa.
Ugu yaraan shan ruux oo seddex kamid ahaayeen ciidamada Somaliland, ayaa shilka ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay, 16-kale sida uu xaqiijiyay qof magaciisa Cali ku soo koobay oo la hadlay Salaamanews.
Ciidamada...



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






