Home »
Warar dheeraad ah oo ka soo baxay weerarkii Buula-Mareer
(Salaamanews)-Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiray geystay oo ka dhacay magaalada Buula-Mareer ayaa u dhexeeyay kooxda al-Shabaab iyo ciidamo Faransiis ah, waxaana dagaalkaasi guulo ka kala sheegtay dhinacyadii dagaallamay.
War la soo dhigay Barta Twittre-ka ururka al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay abaarihii 2-dii saq dhexe shan diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ay soo weerareen...
Wafdi ay hogaamineyso wasiiradda arrimaha dibadda oo ku soo laabtay Muqdisho
(Salaamanews)-Raisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho.
Marwo Fowsiyo ayaa faahfaahin ka bixisay safarro ay ku tagtay dalalka Britain iyo Talyaaniga, iyadoo sheegtay inay mas’uuliyiinta dowladda Ingiriiska kala hadashay xoojinta xiririirka ka dhaxeeya labada...
Qaraxyo amaanka saameeyay oo ka dhacay Muqdisho
(Salaamanews)-Qaraxyo qaar kood ay ahaayeen miinada dhulka lagu aaso ee laga hago remote-ka, iyo bomb gacmeedyada gacanta laga tuuro ayaa maanta ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir qaar ee caasimadda Muqdisho.
Qaraxyada oo meelo kala duwan ka kala dhacay ayaa la sheegay inay ku dhinteen dad rayid ah kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, mana jirto cid loo qabtay weerarka maanta ka dhacay Muqdisho.
Dad...
Britain oo qabaneysa shir-weyne khuseeya Soomaaliya
(Salaamanews)-Dowladda Ingiriiska ayaa ballan qaaday inay qaban doonto shir weyne heer caalami ah oo looga hadli doono arrimaha dalka Soomaaliya, kaasoo daba socda shirkii 23-kii February sanadkii hore ka dhacay magaalada London ee dalka Britain.
War kooban oo laga soo saaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa lagu sheegay in 7-da May ee sanadkan lagu qabanayo London shir...
Tiiceey “al-Shabaab waa imaan karaan Ximan iyo Xeeb”
(Salaamanews)-Wafdi ballaaran oo ka socday maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,, wuxuuna la kulmay masuuliyiinta dowladda, wuxuuna wafdigu dowladda ku wareejiyay la heystayaal laga soo furtay burcad badeedda.
Wafdiga waxaa hogaaminayay madaxweynaha Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Tiiceey, oo la kulmay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka...
Somali rebels say France attacks to rescue secret agent
By Abdi Sheikh and Feisal Omar
MOGADISHU (Reuters) – French military helicopters attacked a base belonging to al Shabaab insurgents in southern Somalia to rescue a French secret agent held hostage since 2009, a rebel spokesman said on Saturday.
French officials were not immediately available to comment on reports of the raid, in which a Somali government official said at least two people were...
Askar iyo la hayste faransiis ah oo ku dhintay weerar xalay ciidamada faransiisku ka fuliyeen Soomaaliya
(Salaamanews)-Labo askari iyo la hayste faransiis ah ayaa ku geeriyooday weerar guul-dareystay oo xalay ciidamada sida gaar ah u tababaran ee dalka faransiisku ay ka fuliyeen Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka difaaca ee dalkaasi.
Ciidamada kumaandooska Faransiiska oo ay taageerayeen diyaaraha helicopters-ka ayaa xalay weeraray saldhig ay kooxda Al-shabab ku lahayd magaaladda Buulo Marer ee gobolka...
Warshaddii Soomaaliya ugu horaysay ee waraaqaha oo Hargaysa laga furay.
Warshad soo saarta waraaqaha, kartoonaad wax lagu rito iyo buugaagta iskuulada ee ardada–taas oo ah arintii ugu horaysay ee shaqdeeda ay Soomaaliya ka bilaabato mudo labaatameeyo sano ah–ayaa laga furay Hargaysa usbuucii la soo dhaafay.
Samaynta Warshada Waraaqaha ee AADCO ayaa shaqadeedu socotay ilaa 2009-kii, milkiilaha Aadan Barado ayaa sidaas ka sheegay xafladii furitaanka ee Sabtidii...



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






