Home »
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo David Cameron oo London ku kulmaya
(Salaamanews)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada London ee dalka Britain, halkaasoo la filayo inuu kula kulmo madaxda dalkaas, si ay uga wada hadlaan diyaarinta shirka May ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo kicitimay magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Ra’iisul Wasaare...
Walxaha qarxa iyo ragii watay oo lagu qabtay Dhadhaab
(Salaamanews)-Booliska dalka Kenya ayaa xalay howlgal uu ka sameeyay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari Kenya wuxuu ku soo qabqabtay walxo qaraxa iyo nin looga shakisan yahay in ay wadeen falal ammaan-darro.
Howlgalka ayaa lagu soo qabtay labo bambo oo kuwa gacanta laga tuuro ah oo la aaminsan yahay in loo diyaarinayay in lagu weeraro ciidanka amniga ee Dhadhaab ka howlgala iyo nin...
Xafiiska UNPOS oo eedeeyay dowladda Soomaaliya
(Salaamanews)-Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in dacwado lagu soo oogay shan qof oo uu ku jiro wariye Cabdicasiis Koronto oo lagu eedeeyey in ay sameeyeen warbixin been-abuur ah oo ku saabsan kufsi ka dhan ah Haweeney Soomaaliyeed.
UNPOS ayaa sheegtay in wariyaha lagu eedeeyey inuu u gafay sharafta hay’ad dowli ah iyo in uu baahiyay warbixin been...
Doqeymo diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Gedo
(Salaamanews)-Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaano u dhaxeeya Garbahaarey iyo Buurdhuubo, halkaasoo saldhigyo ay ku lahaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.
Diyaaradahan oo aan si rasmi loo ogeyn dalalka laga lahaa, hase ahaatee loo maleynayo inay Kenya leedahay ayaa Maamulka Gobolka Gedo uu sheegay in la bartilmaameedsaday saldhigyo ay lahaayeen Shabaab.
Gudoomiyaha...
Safaaradda Mareykanka ee Turkiga oo la qarxiyay
(Salaamanews)-Qarax ayaa ka dhacay banaanka hore ee Safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Caasimada dalka Turkiga ee Ankara, iyadoo ugu yaraan hal ruux uu ku dhintay.
Sida wararku sheegayaan qaraxan ayaa u muuqday mid is miidaamin ah, hase ahaatee wararka ay ilaa iyo hada yihiin kuwo soo baxay.
Gawaarida ambalaaska iyo kuwa dab damiska ayaa soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay.
Wararka laga helayo warbaahinta...
Soomaaliya iyo midowga Yurub oo baaq mideysan u diray beesha caalamka
(Salaamanews)-Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiilka arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Baroness Catherine Ashton ayaa ugu baaqay beesha caalamka in laga faa’iideysto xasiloonida dib ugu soo laabtay Soomaaliya, isla markaana taageero la siiyo hay’adaha dowliga ah.
Maqaal ay si wada jir ah u qoreen labada mas’uul ayaa lagu sheegay in xaaladda ammaan ee...
Muqdisho oo bilowday olole nadaafadeed oo lagu bixinayo abaal-marin lacageed
Qashinka buux dhaafiyay xaafadaha Muqdisho ayaa sii yaraanaya taa oo looga mahdinayo ololaha nadaafadeed ee ay ku dhawaaqday xukuumadda Soomaaliya ayna dhaqan-galinayaan muwaadiniin is-xil-qaamay.
Ololaha ayaa bilowday 26-kii January, waxa uuna socon doonaa hal todobaad, ama ka badan haddii loo baahdo, si loo qurxiyo loona nadiifiyo 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Is-xil-qaamayaasha ayaa sheegaya...
Taariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed – (Documentation-Film) Daawo Video
Dalka Soomaaliya juquraafi ahaan waxa uu ku yaala cirifka Bari ee Qaaradda Afrika , waa dhul istaraatiijyada wanaagsan leh isla markaana Surinka ku haya marinbiyoodka caalamiga ah ee Baabul mandab oo xiriiriya Badweynta Hindiya iyo badda Cas isla markaana ahmiyad u leh.
Taariikh ahaan Dalka Soomaaliya waxa uu leeyahay xadaarad facweyn taasina waxaa marqaati kacaya magacyada tirada badan ee loo aqoon...
Doolarka ku soo badanaya Soomaaliya oo kor u qaaday sicirka nolosha
Dadka qurba joogta ah oo ku soo noqonaya Soomaaliya ayaa doolar badan wadanka soo galinaya, taas oo astaan u ah ammaanka soo hagaagaya iyo Soomaalidu inay doonayaan maal gashi iyo dib u dhis.
Laakiin badashada lacagta qalaad ayaa abuuraysa hoos u dhaca qiimaha doolarka marka loo fiiriyo shilinka, kaas oo hadda gabaabsi ah, sicirka noloshana ku kordhiyay dad badan oo Soomaali ah.
Cali Cumar, oo 37 jir...
Haweenka Kenya oo ka faaiidaysanaya dhaqanka Soomaalida ee cabitaanka shaaha
Nuuna Ciise Haaruun waxay ku kortay guri ku yaala Degmada Wajeer ee Kenya, halkaas oo ay ahayd in uu shaahu mar walba diyaar u yahay martida.
Aabaheed, oo ahaa duq dhaqameed aad looga ixtiraami jiray xaafadda Buula Macow ee magaalada Wajeer, waxaa u imaan jiray marti badan oo soo salaamaysay, mar walba oo ay yimaadaanna waxay ahayd in la soo dhoweeyo oo shaah la siiyo.
“Shacabka Soomaaliya, koob...



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






