Home »
Wariye todobaad xidhnaa oo maxkamad la’aan damaanad lagu sii daayay
(Salaamanews)-Wariye Daa’uud Cabdi Daa’uud oo todobaad ka hor xabsiga hey’adda dambi barista Soomaaliya, la dhigay ayaa manta xorriyadiisii dib u helay kadib markii ay soo damiinteen masuuliyiinta suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Wariyaha ayaa la sheegay in xarigiisu uu ka dambeeyay hadal uu ka hor sheegay maxkamadda gobolka Banaadir, oo xilligaasi xukun min hal sano ahaa dul-dhigtay...
Ciraaq oo malaayiin doollar siineysa Soomaaliya
(Salaamanews)-Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday iney Soomaaliya sanadkan 2013 ku taageereyso lacag dhan $15.270 Milyan dollar oo wax looga qabanayo arrimaha waxbarashada iyo caafimaadka.
Golaha wasiirada dalka Ciraaq ayaa arrintaan isku raacay kadib kulan ay ka yeesheen arrimaha dalalka Soomaaliya iyo Jazeeradaha Komooros sida uu sheegay wargeyska Alxayaat ee caanka ah, kana soo baxa Lonodon.
Lacagta...
Somalia arrests second reporter in rape trial case
(Salaamanews)– Somali police have arrested a journalist who criticised the jailing of a colleague and a woman he interviewed who said she was raped by security forces, colleagues and rights groups said Tuesday.
Daud Abdi Daud, who works for Radio Kulmiye, was arrested on February 5 shortly after speaking out at the sentencing for one year of reporter Abdiaziz Abdinuur and the alleged rape victim...
Wariyaha la xiray oo la codsaday in la sii daayo iyo ra’isal wasaare Shirdoon oo ka hadlay
(Salaamanews)-Wariye Daa’uud Cabdi oo ka tirsan idaacadda Kulmiye ee ka howlgasha Muqdisho ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo ogayn sababta ka dambeysa xariggiisa, balse ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Daa’uud la xiray kaddib markii uu hadal ka yiri gudaha maxkamadda gobolka Banaadir mar ay xukun ku ridday weriye Koronto.
Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch iyo ururka...
Xukuumadda Soomaaliya oo iskaashi muhiim ah la yeelaneysa dalka Burundi
(Salaamanews)-Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaali Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socda baarlamaanka dalka Burundi oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka dalkaasi Hakizimana Emilien.
Wafdiga la kulmay hogaamiyaha xukuumadda ayaa dhawaan soo gaaray Muqdisho, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, dhinacyada ammaanka...
Mandheera: weerar lagu dilay askari Kenyaan ah
(Salaamanews)-Wararka aan ka heleyno gobolka waqooyi-bari Kenya waxay sheegayaan in Askari boolis lagu dilay magaalada Mandera oo ku taalla soohdinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Dabley aan haybtooda la garanayn ayaa dishay askariga oo xilliga la dilay ka soo baxay shaqo uu ku jiray, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliska Kenya.
Dilka askariga ayaa qeyb ka ah dilal taxane ah oo ka dhacayay...
Qarax miino oo ka dhacay magaalada Beledweyne
(Salaamanews)-Sida dad deegaanka ah u sheegeen SN Hal qof ayaa ku dhintay inta la og yahay afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Beledweyne Korneyl Cali Cabdi Mahad-Alle ayaa xaqiijiyay qaraxa, isagoo tilmaamay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay dhamaantood...
Dood: musharrixiinta madaxtinimada dalka Kenya
(Salaamanews)-Doodda ay wada yeesheen musharrixiinta u taagan doorashada Kenya ka dhici doonta bisha soo socota ee March, ayaa taariikhda bog cusub uga furtay dalkani Kenya, waxaana dooddu ay habeenkii xalay ahaa si toos ah uga soo muuqatay 8-telefashin iyo 42-idaacadood oo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, waxaana lagu gudbinayay afaf kala duwan.
Murankan waxaa wadaagayay ra’isal wasaaraha Kenya...
Warbixin: Soomaalida u gudbeysa Sacuudiga oo jidgooyo loo dhigtay
(Salaamanews)-Wararka aan ka heleyno wadanka Yemen ayaa sheegaya in dowladdu ay raadineyso rag caadeystay afduubka muhaajiriinta u gudbeysa xadka Sacuudiga uu la wadaago dalka Yemen.
Burcaddan ay dowladdu baadi goobeyso ayaa bilihii dambe joogteeyay afduubka dadka musaafurka ah gaar ahaan dadka Soomaalida, oo ay ka dalbadaan lacago madax furasho ah.
Tuulo 55-KM u jirta magaalada Xarad ee xuduudka Yemen...
Dibad baxayaal weerar ku qaaday madaxtooyada Masar
(Salaamanews)-Mudaaharaadyadii ugu xooganaa ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.
Ugu yaraan 10-ruux oo kamid ahaa boqollaal mudaaharaadayaal ahaa ayaa ku dhintay rabshadda, waxaana ku dhaawacmay kontomeeyo kale, iyadoo ciidamada ammaanku iska caabin ku sameeyeen dibad baxayaasha.
Dadka bannaan baxayay waxay ka cabanayeen, awood isa...



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






