Latest

May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - webdesign

Home » Dhaqanka, Warar, Waxbarashada

21-ka Nov. Maalinta macallimiinta Soomaaliya (Warbixin)

(Salaamanews)-Maalimba macney bulsho u leedahay maantana waa maalin qiimo iyo sharaf ku dhexleh bulsha weynta Soomaalida, waana 21-ka November oo ah maalinta macallinka oo si weyn looga qiimeeyo dalka Soomaaliya.

Soomaaliya oo dhan waxaa maanta looga dabaal degayaa xuska maalintan faca weyn waxaana fantastiyayaha maalintan si weyn uga soo dhexmuuqanayo, macallimiinta wax ka dhiga Iskuullada nidaamiga ah, kuwa privets-yada ah, kuwa ganacsiga iyo macaahidda kala duwan iyadoo Jaamacaduhu ay qaadan doonaan doorka ugu muhiimsan dabaal daga.

Dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa 21-kii November sanadkii 1974-kii u aqoonsatay maalinta macallinka Soomaaliya, waxaana waqtigaasi intii ka dambeysay la xusayay munaasibaddan sharafta  ku dhex leh bulsho weynta Soomaalida.

Maanta ayaa ka duwan 20-kii sano ee munaasibadahan oo kale la soo maray waxaana maanta jirta in dalka iyo dadkuba ay fursad u hayaan in si nabdoon ay u soo bandhigaan shucuurtooda, waxaana jirtay in sanadihii burburka ee la soo dhaafay ay dadka iyo dalkuba ay ku mashquulsanaayeen xaalad amni xumo.

Prof. Jaamac Nuur Kheyre waa bare ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo watay calanka dalka kuna labisan dharka macallinka ayuu Salaama News u sheegay in uusan waligii arkin maalin kaga farxad badan maantadan uu taaganyahay.

“Waxaan macallin ka soo noqday dugsiyo sare iyo Jaamacado waxaana labaatankii sano ee burburka aan ku shaqeynayay xirfadda macallinimada, laakiin ima aysan soo marin maalin iiga farxad badan maantadan” waxaa sidan yiri Prof. Kheyre.

Macallimiin kale oo aan la hadlay waxay sheegeen in maanta ay dareen gaar ah ku leedahay bulshada Soomaalida, gaar ahaan macallimiinta Soomaaliyeed.

Macallimiinta oo ah isha aqooneed ee dadka Soomaalida ayaa hadda u muuqda in xaalad adag ay ku jiraan, waxaana u kuur galnay sida ay ku shaqeeyaan macallimiinta Soomaaliya.

Dr. kamaal Axmed, waa maamule Jaamacadeed wuxuuna ku suganyahay Muqdisho mar aan hor dhigay su’aal aheyd, sida loo maareyn karo duruufaha ay ku shaqeeyaan macallimiinta ayuu xusay in aan la soo koobi Karin daruufaha ay ku shaqeeyaan macallimiinta Soomaaliyeed.

“Hadii aan eego macallimiinta iskuulllada nidamiga ah wax ka dhiga, waxay maalintiiba galaan todobo xiisadood, waxay qaataan mushaar aan kaafin baahida ay qabaan ee aas aasiga ah, macallimiinta jaamacadaha waxay dantu bidaa in jaamacado dhowr ah ay xiisado kala duwan galaan iyagoo jaamacado kala nuuc ay tagaya, waxay xiisadiiba qaataan todobo dollar ama shan dollar” sidaasi ayuu duruufaha macallinka ku micneeyay Dr Axmed.

Si kastaba ha ahaatee waxaana la soo koobi Karin duruufaha iyo dhibaatooyinka ay la daalaa dhacayaan barayaasha Soomaaliyeed, balse baahida aas aasiga ah waxay la qabaan bulshada inteeda kale oo iyagu dhibaatada amni xumo ay dareentay.

Cabdishakuur Shakra, Salaamanews

shakra@salaamanews.com

Muqdisho, Soomaaliya

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal