Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

Amaanka oo soo laabtay, dib u dhiska billowday iyo isdhexgalka bulshada ayaa tusaaleeyay nabadda Muqdisho (warbixin, falaanqeyn iyo muuqaal)

(Salaamanews)-Sanad kasta wuxuu sanadka kale la wadaagaa bilaha sida bishuba ay tan kale u la wadaagto maalmaha iyo saacadaha, laakiin labaatankii sano ee burburka Soomaaliya waxaa la dhihi karaa sanadka 2012-ka isbadalkii ugu wanaagsanaa ayaa ka dhacay Muqdisho.

Ma isleedahay Muqdisho, ayaa tartan la gali karto magaalooyinka bariga Africa oo hoobiye ka dhaca iska daaye aanba laga maqal xabad micno darro loo rido, hadaba hadii aadan fakarkaasi rumeysneyn ogoow Muqdisho waxay ku soo laabatay magaala madaxdii dalka ay bari samaad ahaan jirtay.

Magaalada Muqdisho ayaa marti galisay isbadal dowladnimo iyadoo ka dhabeyneysa isbadalkaasi ayay iyaduna isbadal magaaladnimo la timid waxaana marqaati madoonta ah in ku dhawaad 10,000 oo qurba joog ah ay magaalada ku soo laabatay in ka yar 12-bilood.

Caasimadda Muqdisho goobaha halbowlaha u ah ayaa waxaa kamid ah garoonka duyuuradaha oo markaad ka soo degto ishaadu qabaneyso astaanta nabadeed ee caasimadda Muqdisho, waxaa kaloo ay magaaladu muujineysaa dekedda weyn oo dib u dhiskeedu meel wanaagsan maraayo.

waa xeebta liido oo ay ku raaxeysanayaan dadka oo aan ka baqeyn hoobiye soo dhaca ama dagaal kadis ku yimaadda/google.com

waa xeebta liido oo ay ku raaxeysanayaan dadka oo aan ka baqeyn hoobiye soo dhaca ama dagaal kadis ku yimaadda/google.com

Marka laga yimaado labadaasi xarumood oo aalaaba soo dhaweeya inta dalka ku cusub, hadana waxaa magaaladu ay soo bandhigeysaa muuqaal ka wanaagsan mudadii burburka Soomaaliya, waxaana hir gal u muuqda dib u dhis lagu sameynayo Dekedda, garoonka duyuuradaha, garoonkaa ciyaaraha,wadooyinka, xarumaha dowladda, qaadista cashuuraha,Isdhexgalka bulshada,Soo laabashada fanka, horumarka ganacsiga, Isku socodka gaadiidka iyo dadka, muuqaalka iyo bilicda magaalada, xeebta liido iyo xaaladda dadka soo booqanaayo intaasina waa tusaale magaalo nabadeed.

Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga  markii ay Al-shabaab baxday kadib.

Wixii ka horreeyay sanadkan 2012 suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaro ayaa ahaa mdi aan si wanaagsan u shaqeyn, taasina waxay keentay inuu hoos u dhaco ganacsiga dadka oo badanaa ku tiirsanaa jiray suuqa dadka Muqdisho badankood ay ka soo adeegtaan ee Bakaaraha.

Baakaraha, waxaa hareerihiisa ka socday dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda, saaxibadood iyo kooxda Al-shabaab, mana jirin ganacsi muuqda oo magaalada ka socday maadaama halbowlihi ganacsi ay aafeeyeen dagaallada halakeeyay Bakaaro.

Waxyar uun kadib markii ay kooxda Shabaab banneysay Muqdisho dabayaaqadii sanadkii hore ayaa waxaa suurta gashay in si tartiib ah u soo laabto ganacsigii iyo kalsoonidii bulshada kadib markii ay ciidamada dowladdu garoowsadeen in u jeedkooda ugu weyn uu yahay difaaca dalka, mana jirin dhac looga baqdin qabay inay ku dhaqaaqi doonaan xoogaga dowladda Soomaaliya, bulshada ayaana ku soo laabatay suuqa iyagoo meel hoosa ka soo billaabaya ganacsigooda.

Dayactir xooggan oo lagu sameeyay daarihii dhaadheeraa ee Suuqa Bakaaro ayaa soo muujiyay ifafaallo nabadeed oo ay dadku ka qabaan in suuqu shaqeyn karay, waxaana maalinba maalinta ka dambeysay suuqa tagayay ganacsato badan.

Ciidamada dowladda  Soomaaliya gaar ahan kuwa baleyska oo kaashanaya waaxda taraafikada ayaa ku guuleystay inay habeeyaan ganacsiga hareeraha wadooyinka, waxaana la burburiyay ganacsato badan oo wadada dhinaceeda howlahooda ku heystay.

Maxamed Amiin Nuur, waa wiil dhallinyaro ah, oo ka ganacsada dharka garab saarka ah ee la wareejiyo isagoo taagan goobta loo yaqaan carwa istaag oo ku caan baxday dharka tafaariiqda ayuu SN u ga warramay sida uu u arko ganacsiga suuqa iyo faraqa u dhexeeya waagii ay kooxda Shabaab heysatay iyo hadda oo ay maamuleyso dowladda Soomaaliya.

“Walaaloow waad aragtaa hadda aniga si xor ah ayaan u shaqeysanayaa, ma jirto cid aniga aan uga baqaayo ammaankeyga, iyo shaqadeyda markii hore Al-shabaab waxay nagu qasbi jireen inagoo ganacsigeenna wadanno inaan qarash bixinno oo aan dagaallano, xor umaana aheyn ganacsiga, hadii aan iibineyno dharka ‘yoo yoo ‘ga loo yaqaan waa na dhibaateyn jireen, marka wax kasta hadda waa nidaam sida aad aragto” sidan ayuu yiri Maxamed oo aan kula hadlay suuqa Bakaaraha.

Kooxda Al-shabaab oo fariisimo xoogani ku laheyd gudaha suuqa weyn ee Bakaaro ayaa lacago dul saar ah oo baadda ka madax bannaan ka qaadi jirtay ganacsatada waa weyn sida shirkadaha xawaaladaha, isgaarsiinta iyo xarumaha gaarka loo leeyahay.

Milkile shirkad ganacsi oo magaciisa iyo shirkadiisa in la shaaciyo diiday sababo amni awgood ayaa SN u sheegay in Al-shabaab ay xoog ku heysatay xarumaha gaarka loo leeyahay isagoo cadeeyay in bil kasta laga qaadi jiray lacag ay Shabaabku u yaqaaniin “Xaqul-mujaahidiin” taasina wuxuu ku micneeyay xaq darro muuqata.

Garoonka Stadiom Koonis oo la dhigay cows macmal ah ayaa u muuqda kuwii ku yaallay qaaradda Yurub/google.com

Garoonka Stadiom Koonis oo la dhigay cows macmal ah ayaa u muuqda kuwii ku yaallay qaaradda Yurub/google.com

“Run ahaantii Al-shabaab waxa ay nagu haayeen maahan wax fudud oo aan soo koobi karo, laakiin waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan firqadaas kala kulanay waxaa kamid ahaa in nagala qaado lacago baad ah oo aanba garaneyn meesha ay u socdaan hadana joogta ah, waxaa intaasi dheereed lacag ay ku sheegi jireen xaqa mujaahidinta oo ay bil walba qaadan jireen” ayuu igu yiri milkilahaasi oo ahaa nin codkiisa la qaadan karay.

Al-shabaab ayaa saameyntooda waxaa ay ka sii dhamaaneysaa ganacsatada Bakaaraha waxaana ay u muuqataa hadda in qof kasta uu si xor ah u ganacsanayo isago aan ka baqaneyn cid laaluush uu ku sabo ama uu baad siinayo, waxaana arrintan la qaba suuqani weyn suuqyada kale ee Muqdisho sida suuqa bacaad iyo kuwa kale.

Ammaanka caasimadda iyo isdhexgalka bulshada qeybaheeda kala duwan

Marki aanu ka hadleyno ammaan waxaanu soo qaadan karnaa dhacdooyinka aan wanaagsaneyn ee daganaashiyaha waxyeeleeya, waloow kooxda Al-shabaab ay isku dayayso inay dhaawacdo xasiloonida hadana, waxaa hubanti ah in ciidamada nabad sugidda qaranku ay ilaaliyeen xaddin maa ammaanka Muqdisho.

Mar aan gaari ka soo raacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaan xog dhageysi siiyay dadyoow gaari saarnaa, anigoo dood meel fog ah u biilaabay, waxaana qiimeeyay sida ay dadku ugu kalsoonyihiin ammaanka Muqdisho.

Oday u muuqday da’da sideetameeyada oo kamid ahaa dadka gaariga saarnaa ayaa yiri “Allah waagii aanu dowladda laheyn waxaa shaqeyn jiray waxyaabo badan, laakiin waxaad moodaa in hadda ammaanku soo laabanaayo hadii ay dowladdu sii dadaasho waxaan qabaa in wax kasto hagaagi doonaan.

Nin garabkiisa fadhiyay oo da’diisu afartameeyo aheydna wuxuu ugu jawaabay “Adeeroow waa runtaa laakiin mudadii aan u joognay Muqdisho, markuu mashruuc dhamaado mid kale ayaa la sameeyaa ee maxaa xigi doonaa Al-shabaab”.

Hadallada dadkan ayaan ka eegan karnaa sida ay bulshadu ugu nugushahay nabad iyo barwaaqo uu dalku helo, qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee Jaamacadaha wax ka barta ayaa qaba in isbadalka dalka ka dhacay uu ka fogaaday khilaaf markale soo laabta.

Farxaan Maxamed waa mid kamid ah ardayda wax ka barata jaamacadda Horseed ee Muqdisho wuxuu leeyahay sidan “Anigu waxaan ka imid gobolka Hiiraan, Al-shabaab ayaa hadda ka ho rigu qasabtay inaan dagaalkeeda ka qeyb qaato, laakiin waan ka diiday sidaas ayaana ku imdi Muqdisho, laakiin wali dhibaatada gobollada ayay ku hartay” .

Wadooyinka Muqdisho waxaad arkeysaa samaha fayaasha oo lagu dhajinaayo, laamiyadda oo dib loo hagaajinaayo oo carrada laga guraayo, taasoo ah ifafaallo kale oo ay magaaladu gali doonto, waxaana muuqaneyso in dadka iyo dalkuba u diyar garoobeen nabad, baraare iyo wax wada qabsi.

Dowladda ayaa dhawaan amartay in la jaro geed yahuudka, cali garoobka, iyo in guri kasta hurtiisa laambad la suro si aan habeenkii ammaan xumi u dhicin, waxaa kaloo la sameeyay waaxda adeegga deg dega ah oo ay dadku ka wici karaan taleefanno lacag la’aan ah si loogu gurmado hadii dhib qabsado.

Qurbaha joogta Soo laabaneysa iyo safaaradaha la furaanayo oo nabadda dhiirri galinaya.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh oo 10-kii September uun loo doortay hogaamiyaha dalka, waxaa soo badanayay qurba joogta ku soo laabaneyso Muqdisho, iyo safaaradaha ay furanayaan ururrada, iyo dowladaha caalamka.

Muqdisho waxaa soo gaaray hogaamiyeyaal caan ka ah dunida, oo xusay in nabad leysku halleyn karo ay ka dhalatay caasimadda Muqdisho, iyadoo ay taasi badalkeeda qaar kamid ah dowladaha caalamku ballan qaadeen in dib loo soo celin doono kaabayaasha adeegga iyagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya.

Fannaaniin caan ah oo ku raja weyn in sanadka cusub ay heeso ku soo bandhigaan tiyaatarka qaranka ayaa soo gaaray caasimadda Muqdisho, waxaana ay muujiyeen in lagama maarmaan ay tahay in dalka lagu soo laabto si loo tuso bulshada daashay hannaanka wanaagsan ee nabad lagu heli karo.

“Fannaaniinta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in dalka ay ku soo laabtaan, waayo waxaan ognahay inaanu jirin fanaan lacag buuran heysta balse ogaada dadka ayaa u baahan codkiinna macaan ee kaalayahoo dalkiinna imaada” sidan waxaa yiri Farxaan Xidiig oo u dhashay Jabuutti dhawaanna soo gaaray Muqdisho.

Salaamanews

Muqdisho, Soomaaliya

Info@salaamanews.com

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal