(Salaamanews)-Kulan looga hadlayay sidoo loo xoojin lahaa ammaanka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay degmadaasi.
Kulanka waxaa ka qeyb-galay madax ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ciidan, qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka iyo marti sharaf kale.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb-gashay ayaa xusay in ammaanka Howlwadaag uu wanaagsan yahay, iyagoo maamulka degmada ku boorriyay in ay xoojiyaan ammaanka degmada.
Muddadii uu kulanka socday ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday dib u dhiska ka socda degmada Howlwadaag, waxaana maamulka degmada looga mahadceliyay jid banneyn uu ka wado xaafadaha degmada.
Kulankan ayaa ka dambeeyay kadib dhowr todobaad oo khashin nadiifin laga waday wadooyinka soo galay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






