Latest

May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - webdesign

Home » Warar

AMISOM oo deeq gaadhsiisay cisbitaalka Beledweyne

(Salaamanews)-Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa maanta wuxuu dawo ugu deeqay isbitaalka Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa deeqda dawada ku wareejiyay maamulka isbitaalka.

Waa deeqdii ugu ballaarnayd oo dawo ah oo la gaarsiiyay isbitaalka tan iyo markii hay’adda MSF Swiss ay dabayaaqadii sanadkii hore joojisay howlihii ay ka wadday isbitaalka.

Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Kornayl Cismaan Dubbad ayaa deeqda dawada ku wareejiyay agaasimaha isbitaalka Axmed Maxamed Khaliif.

Deeqda ayaa imaaneysa toddobaadyo kaddib markii odayaasha deegaanka ay ugu baaqeen dowladda iyo hay’adaha samafalka inay caawimaad la soo gaaraan isbitaalka kaddib markii MSF Swiss ay joojisay howlihii ay ka haysay gobolka.

Marka laga soo tago deeqda dawada, mas’uuliyiin ka tirsan AMISOM ayaa la kulmay ardayda, macallimiinta iyo maamulayaasha afarta jaamacad eek u taalla magaalada Beledweyne.

Muddadii uu socday kulanka, ka qeyb-galayaasha waxay ka wada hadleen xoojinta heerarka waxbarasho ee gobolka iyo kor u qaadidda xiriirka ka dhaxeeya ciidanka Midowga Afrika iyo jaamacadaha ku yaalla gobolka.

Salaamanews

Beledweyne, Hiiraan

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal