Latest

May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - May 14, 2013 - IOM oo Ajaanib ka daabuleysa deegaamada maamulka Puntland ... - May 14, 2013 - Kenya oo dib u soo noolaynaysa bilayska kaydka ah ee Gaarisa si ay ula dagaallamaan al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Abaanduulaha cusub ee ciidamada militariga oo u hanjabay kuwa dhaca geysta ... - May 14, 2013 - Nin la shaqeyn jiray Burcad badeedda oo lagu xiray Jarmalka ... - May 13, 2013 - WHO Investigates Possible Polio Case in Somalia ... - webdesign

Home » Warar

AMISOM oo fashilisay weerar lagula eegtay Shabeellaha hoose

(Salaamanews)-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo howlgal ballaaran ka waday Arbacada maanta ah magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa waxaa lala eegtay qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee laga hago remote-ka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa mid cuslaa uu khasaare dhaliyay markii uu dhacay kadibna waxaa la sheegay in rasaas ay oodda ka qaadeen ciidamada AMISOM oo laba ruux oo rayid ah ku dhaawacay magaalada Marko.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday cisbitaalka, waxaana markaasi kadib billowday baaritaanno kuwii hore ka cuslaa oo ay sameeyeen ciidamada dowladda, mana jiro war rasmi ah oo sheegaya in la qabtay dadkii weerarka ka dambeeyay.

Gudoomiye xigeenka amaanka magaalada Marko C/salaam Macallin Cabdulle, ayaa SN u sheegay in weerarku uu ka dhacay bartamaha magaalada isla markaasina lala eegtay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo howlgallo ka waday bartamaha magaalada Marko.

“Walaaloow ma jiro wax khasaara ah oo soo gaaray ciidamadii la weeraray ee qaraxa loo adeegsaday, laakiin laba ruux oo rayid ahaa ayaa dhaawacyo fudu ka soo gaareen rasaas ay ciidamadu fureen, qaraxu wuxuu ahaa miino dhulka la galiyay” sidan ayuu SN u sheegay Cabdulle oo ku sugan Marko.

Maalmihii dambe waxaa soo badanayay falalka amni xumo ee kooxda Al-shabaab lagu eedeeyay, ee sida joogta ah uga dhaca magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose, waxaana maamulka dowladda ee magaaladu sheegeen inay jiraan rag ka tirsan Al-shabaab oo shacabka isku dhex qarinaya.

 Salaamanews

Marko, Shabeellaha-hoose

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal