(Salaamanews)-Sanadkii tagay ee 2012, oo kooxda Al-shabaab laga qabsaday magaalooyin muhiim ahaa ayaa taliska AMISOM, wuxuu sheegay in la wiiqay ururka Al-shabaab ee ka dagaallama dalka Soomaaliya.
AMISOM ayaa ku tilmaamtay sanadkii tegay ee 2012 mid horumarro badan laga sameeyay xaaladda dalka Soomaaliya, iyadoo si gaar ah u sheegtay in sanadkii tegay la wiiqay awoodda kooxda Al-Shabaab.
Major Henry Obbo oo ciidanka Uganda ee AMISOM u qaabilsan xafiiska dadweynaha ayaa sanadkii 2012 ku tilmaamay “sanadkii miro-goosashada”.
Taliyaha ciidanka AMISOM Jeneraal Andrew Gutti oo war-fidiyeennada kula hadlayay xafiiskiisa ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu howlgalka AMISOM sanadkii 2012 galay wejiga labaad oo ku lug leh ballaarinta howlgallada iyo dejinta ciidamada magaalooyinka muhiimka ah ee koonfurta iyo bartamaha dalka.
Marka laga soo tago magaalada Muqdisho oo Al-Shabaab ay isaga baxday 2011, dhammaan magaalooyinka Kismaayo, Jowhar, Afgooye, Marka, Baydhabo iyo Beledweyne waxaa A l-Shabaaab lagala wareegay sanadkii tegay.
AMISOM ayaa ku rajo weyn in meelaha ku harsan gacanta Al-Shabaab ay iska caabbin la’aan ama mid aan weyneyn kagala wareegi doonaan maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu qabo Henry Obbo.
Taliyaha ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya, Michael Odongo ayaa sheegay in kaddib markii AMISOM ay ku guuleysatay xaqiijinta ammaanka iyo wacyigelinta nabadda ay dadweynuhu billaabeen inay aad u nacaan maleeshiyada Al-Shabaab.
Wuxuu ugu baaqay haraadiga Al-Shabaab inay si deg deg ah uga waantoobaan falalka ku jiraan, ayna dhinac ka raacaan hannaanka dib u dhiska nabadda qaranka, isagoo tilmaamay inaan dagaal lagu guuleysan karin shacbiyad la’aan.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






