Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Warar

Askar iyo la hayste faransiis ah oo ku dhintay weerar xalay ciidamada faransiisku ka fuliyeen Soomaaliya

(Salaamanews)-Labo askari iyo la hayste faransiis ah ayaa ku geeriyooday weerar guul-dareystay oo xalay ciidamada sida gaar ah u tababaran ee dalka faransiisku ay ka fuliyeen Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka difaaca ee dalkaasi.

Ciidamada kumaandooska Faransiiska oo ay taageerayeen diyaaraha helicopters-ka ayaa xalay weeraray saldhig ay kooxda Al-shabab ku lahayd magaaladda Buulo Marer ee gobolka Shabeellaha hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarkaan ay qaadeen ciidamada faransiisku ayaa ujeedkiisu ahaa in ay ku soo furtaan sarkaal u dhashay faransiiska oo sanaddii 2009-kii lagu afduubay Soomaaliya, kaasi oo in muddo ah gacanta ugu jiray kooxda Al-shabab ee lala xiriiriyo Al-qaacida.

Dad goob joogayaal ah ayaa SN u sheegay in habeenkii xalay ahaa diyaarado dagaal ay duqeeyeen degmada Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaasina waxaa ku dhintay ciidamo ajaanib ah iyo saraakiil ka tirsan kooxda al-Shabaab.

Goob jooge aan magaciisa u qarinay sababo ammaan ayaa Salaamanews xaqiijiyay in diyaaradaha dagaalka oo ka koobnaa afar diyaaradood ay daadiyeen ciidamo badan, oo caddaan ahaa, kuwaasoo weerar fool ka fool ah ku qaaday ciidamada ururka al-Shabaab.

Labada dhinac waxaa soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira, waxaana warar madax bannaan ay xaqiijinayaan in ciidamada weerarka soo qaaday sidoo kale ay dileen saddex ruux oo rayid ah, kuwaasoo midkood uu ahaa nin oday ah oo waardiye ka ahaa dukaan ganacsi.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Nuur Siidii ayaa SN u sheegay in weerarka ay soo qaadeen ciidamo Faransiis ah oo isku dayay inay soo badbaadiyaan la heystayaal Faransiis ah oo ay kooxda Shabaab afduubteen seddex sano ka hor.

“Weerarka waxaa lagu qaaday fariisimo maleeshiyaadka al-Shabaab ay ku lahaayeen degmada Buula-mareer waxaana ciidamadu isku dayayeen inay soo badbaadiyaan laheystayaal Faransiis ahaa oo kooxdu ay heysatay seddex sano” ayuu yiri Mr. Siidii.

Saraakiil ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa warbaahintooda u sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamo Shisheeye, ayna isdifaaceen, isagoo sheegtay inay dileen ciidamo badan oo ka tirsanaa kuwii weerarka soo qaaday.

“Allaah waa fashilyay qorshihii gaalada Faransiiska Mujaahidiintu waxay Cadawga ka hayaan Meydadka Askar caddaan ah oo looga dilay dagaalkii Xalay”ayuu yiri Sarkaal u hadlay kooxda al-Shabaab.

Dhanka kale waxaa ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Buula-mareer in ciidamada al-Shababa ay degmadaasi iskaga baxeen, iyagoo ka baqdin qaba weerar rogaal celis ah oo lagu soo qaado.

La-haysta u dhashay faransiiska ee xalay weerarkan lagu soo badbaadinayey ku geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Denis Allex ayaa bishii Julaayo ee sanadkii 2009-kii isaga iyo saaxiibkiis oo billo kaddib la siidaayey lagu aduubay Soomaaliya oo ay u tageen in ay tababaro ciidan ka bixiyaan.

Salaamanews

Mark0, Shabeellaha-hoose

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal