(Salaamanews)-Baarlamaanka maamulka Galmudug State oo Khamiista maanta ah kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ansixiyay miisaaniyadda uu maamulku ku shaqeyn doono sanadka 2013 ilaa 2014.
Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Xasan Maxamuud Heyl ayaa ku dhawaaqay in uu baarlamaanku ansixiyay miisaaniyad-sanadeedka Galmudug oo dhan lixdan milyan, toddobo boqol, konton iyo kow kun oo doollar.
Wasiirka maaliyada maamul Galmudug Cabdiweli Sheekh Cali Rooraaye ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ansixinta baarlamaanka ee miisaaniyadda ay soo bandhigtay wasaaraddiisa.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in aysan shaqeynin inta badan kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaannada maamulka Galmudug, balse ay ku tashanayaan dakhliga ka soo xarooda canshuuraha.
Wasiirka qorsheynta, iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah ee maamulka Galmudug Maxamed Xaaji Cali Nuur oo isaguna ka hadlay kulanka barlamaanka ayaa sheegay in dhaqaalaha intiisa badan uu ku bixi doono sugidda amniga, inta kalena loo jiheyn doono maamulka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.
Waa markii ugu horreysay oo qorshe miisaaniyadeed loo dejiyo maamulka Galmudug, waxaana ansixinta miisaaniyaddu imaaneysaa xilli dhawaan madaxweyne Qeybdiid uu sheegay inuu ka werwerayo amni xumida ka taagan koofurta Gaalkacyo.
Salaamanews
Gaalkacyo, Mudug
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






