Latest

May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - webdesign

Home » Warar

Baarlamaanka oo dhisay guddiyada la shaqeynaya xukuumadda

(Salaamanews)-Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo kulan xasaasi ah Arbacada maanta ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dooday guddiyada baarlamaanka ee la shaqeynaya xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay soo xaadireen 176-mudane, ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiye xigeenka labaad ee baarlamaanka mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxaana leysku raacay meel marinta guddiyada.

Baarlamaanku wuxuu dhisay 15-guddi, oo la sheegay inay la shaqeyn doonaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, guddiyada la dhisay ayaa mid mid u la shaqeyn doona wasaaradaha 10-ka ah ee xukuumadda Soomaaliya.

Sidookale guddiyadu waxaa ku jira shan guddi oo iyana la sheegay inay si gaar ah u la shaqen doonaan wasaaradda adeegga bulshada oo kulmisa wasaarado badan oo ay kamid yihiin Cayaaraha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo kuwa kale.

Dhanka kale mudanayasha baarlamaanka qaarkood ayaa dhaliilay guddiyada la dhisay, iyagoo eedeyn dusha kaga tuuray guddigii ka soo tala bixinta guddiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Kula lihi, oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka ee ka soo horjeestay guddiyada baarlamaanka ayaa sheegay inuu codsaday guddiga arrimaha dibadda oo uu sheegay in 20-sano uu khibrad u heysto laakiin wuxuu xusay inaan magaciisa lagu soo darin.

“Waxaan 20-sano la shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, marka waxaan codsaday in leygu daro guddiga arriamaha dibadda, magaceygana laguma soo darin” ayuu yiri xildhibaan Kulalihi.

Waloow eedaasi ay jirto hadana waxaa maanta si rasmi ah loo dhisay guddiyadii baarlamaanka oo la sheegay inay la shaqeyn doonaan xukuumadda Soomaaliya.

Salaamanews

Muqdisho, Soomaaliya

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal