(Salaamanews)-Xildhibaannada Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxay ku doorteen gudoomiyeyaasha guddiyadii dhawaan la dhisay.
Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa doortay guddoomiyeyaasha, ku-xigeennada iyo xubnaha kale ee guddiyada baarlamaanka, iyagoo dhawaan gali doona fasaxooda shaqada.
Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Jeylaani Nuur Iikar oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana goobta soo xaadiray 170 xildhibaan.
Guddiyada ku guulaystay inay is doortaan waxaa ka mid ah guddiga beeraha horumarinta reer miyiga, xoolaha iyo kheyraadka badda, guddiga xuquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bini’aadanimada, guddiga wacyigelinta dhaqanka boostada iyo isgaarsiinta, guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha, guddiga xeer hoosaadka anshaxa xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada iyo guddiga difaaca.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo loo doortay gudoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bini’aadanimada ayaa tilmaamtay in maanta ay billaabatay doorashada, iyadoo sheegtay in guddiyada ay ka kooban yihiin 15 guddi oo guddi walbana uu iska soo dhex dooran doono guddoomiye, ku xigeen iyo xog-hayn intaba.
Mudanayaasha baarlamaanka oo dhawaan ku shiray Muqdisho ayaa iska soo dhex saaray gudiyo ka kooban 15-guddi oo la shaqeynaya xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






