(Salaamanews)-Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeer hoosaadyada uu barlamaanka ku shaqeyndoono afarta sano ee soo socota.
Kulanka oo ay soo xaadireen 188 xildhibaan ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan(Jawaari) oo shir guddoominayay wuxuu sheegay in aysan jirin cid ka soo horjeesatay in la ansixiyo xeer hoosaadyada oo ka kooban 11 qodob.Mr Jawaari ayaa tilmaamay in wixii maanta ka dambeeya ay xeerarkani yihiin kuwo sharci ah oo uu baarlamaanku u hoggaansami doono.
“Dhamaan xubnaha baarlamanka ee soo xaadiray waa 188-xubnood waxayna ku codeeyeen “HAA” ma jirto cid ka soo horjeesatay sidaas ayuuna ansax ku noqon doonaa xeer hoosaadka baarlamaanka” ayuu yiri Prof. Jawaari.
Codeynta oo ahayd mid gacan taag ah ayaa inta badan xildhibaannadii ka hadlay xarunta golaha shacabka waxay soo jeediyeen in qodobbo ka tirsan xeer-hoosaadyada wax laga bedello, walow markii dambe la isku afgartay qodobbadii lagu muransanaa.
Xildhibaannada Soomaaliya ayaa sidoo kale horay u meel-mariyay miisaaniyadda saddexda billood ee ay dowladdu ku shaqayn doonto.
Halkan ka daawo Ansixinta xeer-hoosaadka baarlamaanka.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






