Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

Booqashada Maxamuud ee Mareykanka oo iridaha u furaysa guulo diblumaasiyadeed oo dheeri ah

Sabahi:—  Madaxda Soomaalida iyo hay’adaha bulshada rayidka ayaa soo dhoweeyay aqoonsigii ugu horreeyay ee ay Maraykanku siiyaan dowladda Soomaaliya muddo 20 sanadood ka badan, iyadoo loo arko guul diblumaasiyadeed oo dheeri ah oo Soomaaliya kaga soo hoyatay dunida oo dhan.

Markii ugu dambaysay ee Mareykanku uu aqoonsado dowlad Soomaaliyeed waxay aheyd 1991-dii wixii ka horreeyay dhicitaankii dowladdii Siyaad Barre, taas oo dalka kaga tagtay aag dagaal sokeeye iyo argaggixiso.

Toddobaadkii hore, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa la kulmay Madaxda Mareykanka oo uu ku jiro Madaxweyne Barack Obama, Xog Hayaha Arrimaha Dibadda Hillary Clinton iyo Kuxigeenka La Taliyaha Ammaanka Qaranka Denis McDonough, iyo sidoo kale madax ka socota Baanka Adduunka.

Obama ayaa Janaayo 13-keedii dhiggiisa Soomaaliya ugu hambalyeeyay doorashadii uu Sebteembar ku guulaystay wuxuuna ammaanay “guulaha layaabka leh ee ammaanka iyo siyaasadda ee ay Soomaaliya gaartay sanadkii tagay”, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Aqalka Cad.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo Aqalka Cad kula kulmaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kuxigeenka La Taliyaha Ammaanka Qaranka Denis McDonough Janaayo 17-keedii. [Pete Souza/White House]

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo Aqalka Cad kula kulmaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kuxigeenka La Taliyaha Ammaanka Qaranka Denis McDonough Janaayo 17-keedii. [Pete Souza/White House]

Madaxweynaha Mareykanka ayaa qiray “caqabadaha badan ee hor jooga Somaaliya, baalse waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka Soomaaliya, wuxuuna ku celiyay sida ay uga go’antahay in uu la shaqeeyo dowladda cusub ee Soomaaliya si loo helo nabad galyo iyo ammaan, loo hagaajiyo maamulka dhaqaalaha, loona kordhiyo bixinta adeegyada bulshada”, war saxaafadeedka ayaa sidaas lagu sheegay.

Obama ayaa ku booriyay Maxamuud “in uu ka faa’idaysto fursaddan gaarka ah si loo rogo bogga 20-ka sano ee dagaalka sokeeye ah, iyadoo la dhisayo horumaradii ugu dambeeyay, si dhowna loola shaqaynayo jaalayaasha gobolka iyo kuwa caalamka si loo horumariyo nolosha dhamaan Soomaalida”.

Maalinkaa galinkii dambe, Maxamuud iyo wafdigiisa waxay la kulmeen xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton, oo si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya.”Markii ugu horreysay ee muddo 20 sano ah, dalkan waxa uu helay dowlad matasha oo ka kooban madaxweyne cusub, baarlamaan cusub, ra’iisal wasaare cusub iyo dastuur cusub,” ayay tiri.

Clinton ayaa sheegtay in dalkeeda uu sugayo ‘wada hadal furan, oo hufan oo ku saabsan waxa badan oo aan u sameyn karno si aan uga caawino dadka Soomaaliyeed inay ka dhabeeyaan riyooyinkooda”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo safarka kula jirtay Maxamuud, ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Mareykanka ay bilaabayaan hawo cusub oo xiriir diblumaasiyadeed iyo wada shaqeyn caalami ah.”Booqashadeena Mareykanka aad baa loogu riyaaqay, waxa ayna qalbiyadeena ku abuurtay rajo mar walba ka soo ifaysa dalkeena,” ayay u sheegtay Sabahi.

Darajo diblumaasiyadeed

Danjiraha Soomaaliya ee Yemen Sarreeye Guud Ismaaciil Qaasim Naaji ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Washington ee Soomaaliya darajo diblumaasiyadeed oo dalalka kale ku dhiiri galin doona inay ka qeyb qaataan hannaanka dib u dhiska Soomaaliya.

“Waxaan si buuxda awood ugu leenahay jihaynta dadaalada iyo howlaha diblumaasiyadeed ee ku aadan hagaajinta xiriirka diblumasiyadeed ee aan la leenahay Mareykanka, Yurub, iyo dalalka Aasiya iyo Afrika si markaas aan u howl galino doorkeena ururada gobolka iyo kuwa caalamka,” ayuu u sheegay Sabahi.

Danjiraha Soomaaliya u faadhiya Saambiya Maxamed Xasan Dawaare ayaa ammaanay dadaalka waftiga, gaar ahaan shaqada ay qabatay Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga, si dib loogu howl galiyo diblumaasiyadda Soomaaliya.

“Waxaannu rajaynaynaa in haybadeena caalamka iyo muuqeena uu dib ugu soo laaban doono beesha caalamka maqnaasho 20 sano ah ka dib oo ay sababtay dagaal gudaha ah,” ayuu Dawaare u sheegay Sabahi.

“Waannu u riyaaqnay go’aanada ay Washington hoggaamiyayaasheena Soomaaliyeed kula qaateen madaxda Mareykanka, waxaannan dhowaan rajaynaynaa go’aan ka soo baxa Golaha Ammaanka ee Qaamada Midoobay oo cunaqabataynta hubka looga qaadayo dalkeena oo goor hore lagu soo rogay si markaas aan u dhisno una hubayno ciidamadeena milatariga, bilayska iyo howlaha sir doonka,” ayuu yiri.

Dawaare ayaa ugu baaqay dalalka caalamka oo dhan in ay dib u furaan safaaradahooda iyo qunsuliyadahooda Muqdisho iyo in ururada caalamiga iyo kuwa gobolka ay dib howlahooda uga bilaabaan caasimadda Soomaaliya.

“Waxaan ku rajo weynnahay aqoonsi dheeri ah iyo soo laabasho badan oo lacag, milatari iyo ilo loojiistiko, taas oo qeyb ka ah dadaalo socda oo lagu dhaqaajinayo saaxiibadeena Mareykanka, Yurub, Aasiya iyo Afrika.”

Muna Cabdisalaam Diiriye, oo arrimaha caalamka falanqeysa, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay taageero muhiim ah ku heshay aqoonsiga rasmiga ah ee Mareykanka, ayna sugayso casuumado rasmi ah oo ka yimaada jaalayaasha kale ee Maareykanka.

Waxa ay sheegtay in heshiiska dhex maray Muqdisho iyo Washington la filayo in uu gacan ka gaysto in dalal badan ay safaaradahooda ka furaan Soomaaliya iyo taageero kororta oo ka timaada hay’adaha gargaarka, Baanka Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Caalamka.

Bushra Ciise Maxamuud, oo ah dhaq dhaqaaqe siyaasadeed oo ka shaqeeysa Daladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, ayaa Sabahi u sheegtay in aqoonsiga uu taageero u ahaa diblumaasiyadda soo koraysa ee Soomaaliya. “Tani waxay noo oggolaanaysaa in aan qaadno tallaabooyin sugan oo dheeri ah oo ku aaddan horumarinta dowladeena iyo hay’adaha bulshada,’ ayay tiri.

“Somaaliya dib uma laaban doonto, dadkeenana mar dambe kuma farxi doonaan qaadashada hubka iyo waxyaabaha qarxa maxaa yeelay waxaan dhadhaminay qaraarka dagaalka sokeeye iyo xanuun badan oo muddo sanado ah nooga yimid weeraro argaggixiso,” ayay tiri.

Puntland oo u hambalyaysay dadka Soomaaliyeed

Maamulka Puntland ayaa Axaddii (Janaayo 20-keedii) ku ammaantay madaxweynaha Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed dib u cusboonaysiinta xiriirka diblumaaasiyadeed ee u dhaxeeya Maraykanka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

“Puntland waxay si buuxda uga qeyb qaadatay dadaalada caalamiga ah ee lagu dhamaynayay xaaladda ku meel gaarnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland. “Sidoo kale, dowladda Puntland waxay sii waddaa ka qeyb qaadashada wanaagsan ee lagu xoojinayo nabadda, ammaanka iyo daganaashaha guud ahaan Soomaaliya, iyadoo dowladdu ay maamusho dhul balaaran oo ah aagga ugu istiraatijiyaysan Soomaaliya.”

“Puntland waxay ku dhiiri galinaysaa Mareykanka — iyo jaalayaasha kale ee Soomaaliya — inay sii wadaan taageeridda nabadda iyo daganaashaha, gargaarka aadanenimada, dowlad wanaagga iyo horumarka dhaqale ee dhamaan Soomaaliya,” ayuu sheegay warku.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay dowladda federaalka Soomaaliya ka rajaynayso in ay hir galiso dastuurka cusub, ayna dhamaystirto horumarinta hannaanka federaaliga ah ee Soomaaliya, ay taageerto dhisidda dowlad goboleedyo federaali ah ayna keento “maslaxad wadaninimo oo xaqiiqo ah”.

Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqday dowladda federaalka ah in ay “abuurto qeybin siman oo ku aaddan gargaarka aadanenimo iyo taageerada horumarineed ee lagu soo helo magaca Soomaaliya iyadoo la marayo hannaan macquul ah oo hufan.”

Waxaa qoray Cadnaan Xuseen oo Muqdisho jooga

Isha: Sabahi

 

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal