(Salaamanews)-Kadib baaritaan muddo socday ayaa ciidamada ammaanka dalka Botswana waxay xireen 28 Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin argagixisada.
Dadka la xiray ayaa lagu eedeynayaa inay lacago u aruurinayeen maleeshiyada al-Shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada ammaanka dalkaasi ayaa raggan ku qabtay howlgallo ay ka sameeyeen Fransistown oo ah magaalada labaad ee ugu wayn dalka Botswana iyo xerada qaxootiga Dukwi.
Tuhmaneyaasha ayaa la sheegay inay ku jiraan dad gawaari si sharci-darro ah ugu ganacsanayay, in kastoo aysan saraakiisha ammaanku tiradooda xusin.
Ma jiro war rasmi ah oo ay saraakiishu ka soo saareen xilliga iyo goobta lagu maxkamadeynayo tuhmaneyaasha.
Salaamanews
Nairobi, Kenya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






