(Salaamanews)-Dowladda Ingiriiska ayaa ballan qaaday inay qaban doonto shir weyne heer caalami ah oo looga hadli doono arrimaha dalka Soomaaliya, kaasoo daba socda shirkii 23-kii February sanadkii hore ka dhacay magaalada London ee dalka Britain.
War kooban oo laga soo saaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa lagu sheegay in 7-da May ee sanadkan lagu qabanayo London shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, iyo taageerida Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla gartay xilliga la qabanayo shirkan.
“Dowladda UK iyo Soomaaliya waxay si wada jir ah u qaban doonaan shir caalami ah 7 May”ayay tiri Afhayeenad u hadashay Ra’iisul Wasaare David Cameron oo intaa ku dartay in shirkan uu daba socdaa shirkii hore ee London lagu qabtay sanadkii hore”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska David Cameron.
Shirkan ayaa lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan dowladaha ku bahoobay G8, iyadoo xilligaa uu dhacayo ay dowladda Britain la wareegi doonto hogaanka ururkaas.
Waxaa la filayaa in shirka looga hadli doono sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dib u dhiska, iyo amaanka, iyadoo shirkan uu noqon doono midkii ugu horeeyo oo loo qabto Soomaaliya, tan iyo markii Kumeel-gaarnimada laga baxay sanadkii hore.
Salamanaews
London, UK
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






