(Salaamanews)-Saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho ah kaddib markii maxkamadda ciidanka qalabka sida ay ku heshay inay horey dilal u geysteen.
Kooxda toogashada u qaabilsan maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa toogatay saddexda askari oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal, halka labada kalena ay ahaayeen dablayaal, kuwaas oo lagu helay dilka dad isugu jira askari iyo shacab.
Xukunka dilka ah oo ka dhacay dugsiga tababarrada ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa lagu fuliyay askari sarkaal ahaa oo aan la shaacin magaciisa, kaasoo maxkamaddu ay ku heshay dilka askari oo uu ugu geystay degmada Wadajir, halka labada eedeysane kale lagu helay inay dad barakacayaal ah ku dileen agagaarka Sayidka.
Lama shaacin xilliga eedeysanayaasha maanta dilka lagu fuliyay ay geysteen dilalkaas kala duwan.
Mas’uuliyiin sare oo isugu jira milateri, boolis iyo maamulka gobolka Banaadir, dadweyne u daawasho tagay fulinta xukunka ayaa joogay goobta xukunka lagu fuliyay.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore xukunno dil ah ku xukuntay askar ka tirsan ciidanka dowladda ee gaystay falal dambiyeedyo isugu jira dil, dhac iyo kufsi.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






