Shir diimeed Tansaaniya ka mamnuucay hadallada nacaybka diimaha dhaliya
(Salaamanews)-Tansaaniya ayaa mamnuucday nooc walba oo hadallada naceybka diimaha huriya ah, go’aankaas ayaa ka soo baxay shir labo maalmood diimaha ku dhex maray Dar es Salaam oo la soo afjaray Khamiistii (9-kii Maajo).
Guddoomiyaha Gobolka Dar es Salaam Saidi Meck Sadiki ayaa u sheegay Sabahi in go’aanka ay gaadheen hoggaamiye-diimeedyo badan ay tahay si nabadda loo soo celiyo.
“Diidmada...
Muqdisho: Xarakada islaamiga ah ee al-Islaax oo shir ay qabatay dib ugu midowday
(Salaamanews)-Labo ka mid ah garabyada Xarakada Al-islaax ayaa maanta Muqdisho uga dhawaaqay iney dib u midoobeen kadib khilaaf mudo ku kala dhex jiray xarkada, una kala jebiyey dhowr garab.
Xarakada Al-slaax qeybta loo yaqaanay Dam Jadiid (Dhiiga Cusub) iyo qeyb ka mid ah hogaanka Al-islaax ee Geeska Afrika ayaa maanta Hotelka Safaari ee magaalada Muqdisho uga dhawaaqay iney dib u midoobeen.
Waxaa...
Waraaq furan oo ku socota al-Zawahiri oo gilgishay aasaaska al-Shabaab
(Salaamanews)-Sannadka dhan dhibaatadii ka soo dhex taagneyd al-Shabaab dhexdooda ayaa korodhay bishan ka dib markuu taliye ku-xigeenka kooxdu u diray cambaarayn kulul oo ku beegan madaxdooda hoggaamiyaha al-Qaacida Ayman al-Zawahiri.
“Haddii aan ka baqaneyno inay ajnabi naga xadaan natiijada jihaadka, maanta waxaan u soo joognaa xaqiiqda muujinaysa in kala fogaanta dhexdeena ah ay noo horseedi...
Soomaalida oo dhalleeceeyay xarigga ay al-Shabaab ee macalimiinta Qur’aanka
(Salaamanews)-Dadka daggan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa kasoo hor jeeda dadaalada al-Shabaab ay caruur kaga qoranayaan iyagoo taageero khasab ah uga helaya macalimiinta Qur’aanka.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale dhalleeceeyay xariggii ay dhowaan al-Shabaab u gaysteen macalimiinta Qur’aanka, waxa ayna si guul ah maleeshiyaadka xag jirka ah ugasoo daayeen macalimiintii.
Febraayo...
Maalinta “Valentine’s Day” Maxay tahay? & Diinta Islaamku ma ogoshahay Maalintaas?
(Salaamanews)-Maxaad ka taqaan maalinta Jaceylka Aduunka? Diinta Islaamkuse ma ogoshahay Maalinta in la weyneeyo oo loo dabaal dago? Waxaa naxdin ah in maalinta taarikhdu tahay 14 February oo ku beegan Maalinta Khamiista ah ay dad Muslimiin ah ay xusayaan Baadari Christan ah geeridiisa iyo Wax ay caabudi jireen Roman kii hore!.
Waxaan galaynaa meel walba oo ay gaaladu galaan waxaana samaynaynaa wax...
Daawo: Sawirro iyo muuqaal ku saabsan Minnesota oo laga xusay dhalashada nabi Muxamad (NNKH)
(Salaamanews)-Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qeybgaleen boqolaal ruux oo muslimiin ah oo ka kala yimid wadamo kala duwan oo adduunka ah, sida gobolada Mareykanka, Canada, Ingiriis iyo waliba qaar ka mid ah dalalka qaarada Asia ayaa lagu qabtay hool weyn oo ku yaala magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Munaasibadaan oo uu soo qaban-qaabiyey masjidka Nuurul-iimaan...
Daawo: Dhibaatooyinka heysta dhallinyarada Islaamka
(Salaamanews)-Waa markale iyo xubinteenni umuuraha Islaamka, maanta waxaanu ku soo qaadan doonaa hadii uu rabbi raali ka noqdo dhallinyarada caalamul islaam gaar ahaan dhallinta Soomaalida dhibaatooyinka heysta.
Muxaadiraddan waxaas oo jeedinaya rabbi ajir iyo xasanaad aan la soo koobi karin ha siiyee fadiilatul Sheekh Mustafa Xaaji Ismcaaiil Haaruun, wuxuuna eegi doonaa dhibaatada heysata dhallinyarada...
Daawo: “Nafsadiinna xisaabiya” Sheekh Maxamed Cabdi Umal
(Salaamanews)-Waa markale iyo waanada islaamka ee xubinteennada umuuraha Islaamka, maanta waxaanu ku soo qaadeynaa muxaadiro cinwaankeedu yahay “Nafsadiinna xisaabiya”, waxaa noo soo jeedin doona fadiillatu Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
Muxaadiradan waxaa soo duubay Al-bader Channel oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya, waxaana Sheekh Umal uu muxaadiradan kaga...
Daawo: xuquuqda ay isku leeyihiin lamaanaha isqaba iyo Sheekh Maxamed Cumar Dirir
(Salaamanews)-xubinteena ammuuraha Islaamka waxaan ku soo xuquuqda ay isku leeyihiin lamaanaha isqaba ee ilaahay calafkoodu isku daray, taasi oo aan u aragnay in ay bulshada dhexdeeda faa’ido balaaran u leedahay.
Sheekh Maxamed Cumar Dirir, oo kamid ah mashaa’ikhda Soomaaliyeed ayaa muxaadiraddan ka jeediyay masjidka Quba oo ku yaal dalka Ingiriiska, waxaana uu si weyn kaga hadlayaa xuquuqda...
Kooxda Al-shabaab oo ku hanjabtay inay dili doonto hogaamiye mareykan ah oo la safan
(Salaamanews)-Al-Shabaab ayaa maanta soo saartay warbixin ay ku dhaleecayneyso mid ka mid ah dagaalyahannadeeda shisheeye oo ay ku tilmaaamtay ‘sumcad-doon’ khatar ku ah midnimada kooxda.
Al-Shabaab waxay shaaca ka qaadday in Abu Mansur al-Amriki oo ka mid ah Jihaadiyiinta ajnebiga ah, una dhashay dalka Maraykanka, uusan matalin aragtida kooxda, isla markaana uusan wax jago ah ka hayn maamulka...



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






