Home » Maqaallo, Warar, Waraysiyo
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhawaajiyay natiijooyin niyad dhis u noqon doona shacabka Soomaalida
(Salaamanews)-Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hogaaminaya wafdi ay ka mid tahay ra’isal wasaare xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Marwo Fowziyo Yuusuf ayaa kulan la qaadanaya xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton, ayaa ka hadlay arrimo khuseeya Soomaaliya.
Wafdiga madaxweynaha ayaa Mareykanka kala hadlaya sida Soomaaliya loogu soo celin lahaa...
Madaxweynaha Soomaaliya oo wareysi uu bixiyey kaga hadlay arrimo badan oo maamulkiisa ku saabsan
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waxyaabaha ay ahmiyadda siiyeen ay ugu horreysay ammaanka qaranka isla markaana ay ku guuleysteen in ay qaadaan 60 baro koontarool oo sharci darro ahaa kuwaas oo yiilay gudaha magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa waxa uu ka hadlay arimo kale.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in aanu jirin...
Wariyeyaal eedeeyay maamulka Kisamaayo (dhageyso Wareysi)
(Salaamanews)-Arbacadii maalin ka hor waxaa magaalada Muqdisho ka dhoofay wafdi sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana wafdigaasi la socday wariyeyaal Soomaaliyeed oo ka socday warbaahinta kala duwan ee ka shaqeysa Soomaaliya.
Wariyeyaasha oo tiradoodu ay gaareysay 12-qof ayaa waxaa ay sheegeen in lagu go’doomiyay Madaarka magaalada Kismaayo, isla markaana aanay gaarin dantii ama ujeedkii...
Dadka reer Mareykan oo madaxweyne cusub dooranaya (Falaanqeyn iyo sawirro)
(Salaamanews)-Dadka Mareykanka ayaa salaasada maanta oo ah (06-Nov-012) waxay u dareerayaan fagaaraha codbixinta si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada madaxtinimada oo ay u baratamayaan labada musharrax ee Madaxweyne Obama oo mar labaad jagada doonaya iyo musharraxa cusub ee Mitt Romney.
Doorashadan ayaa imaaneyso iyadoo labada musharrax ay soo gaba gabeeyeen ololahoodii ugu adkaa, waxayna maalmihii...
Wariyeyaasha Muqdisho oo dibad-bax dhigay (Wareysi iyo Sawirro)
(Salaamanews)-Wariyeyaal aad u farabadan oo ka careysnaa warbixin meel ka dhac ah oo laga qoray wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa uu maanta ka dhacay barxadda aqalka Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.
Wariyeyaasha ayaa ka careysnaa dhammaantood warbixin uu daabacay wargeyska The guardian ee ka soo baxa magaalada London ee carriga Britain iyo talefashinka Chanel-4, oo labaduba warbixinta ka soo xigtay...
Ra’isal wasaaraha oo faaqiday qodobo qarsoonaa (Wareysi)
(Salaamanews)-Ra’isal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay qodoobo muhiim ah oo ay kamid ahaayeen maamul u sameynta Kismaayo, Xiriirka Xukuumadiisa cusub iyo Somaliland, qabashada Kismaayo, Xukuumadda uu soo dhisi doono iyo Amaanka deegaanada laga qabsaday kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya.
Ra’isal wasaare Saacid oo wareysi gaar ah siiyay...
Doorashada madaxweynaha Mareykanka oo meel xaasaasiya mareysa(Dhageyso wareysi)
(Salaamanews)-Wadanka Mareykanka waxaa lagu guda jiraa xili doorashada madaxweyne, iyadoona sanadkaan ay xilkaasi u taagan yihiin labo musharax oo kala ah madaxweynaha haatan Barack Obama, islamarkaasina xilkaasi mar kale xisbigiisa dimuquraadiga uga qeybgalaya doorashada iyo musharaxa xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney.
Doorashada ayaa sanadkaan lagu tilmaamayaa in ay tahay doorashooyinkii ugu adkaa...
Clinton oo Obama taageeray iyo Obama oo caawa ka hadli doona shirka Xisbigiisa
(Salaamanews)-Madaxweynihii horre ee wadanka Mareykanka Bill Clinton ayaa si rasmi ah u taageeray madaxweynaha haatan talada dalka haya Barack Obama in uu noqdo musharaxa xisbiga Dimuquraadiga uga qeybgalaya doorashada soo socota ee la qabanayo bisha Nufeember, kaddib markii uu xalay uu khudbad ka jeediyey shirka weynaha xisbiga dimuquraadiga oo ka soconaya magaaladda Charlotte gobolka Waqooyiga...
Midowga Afrika oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay dastuurka
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoonka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Boubacar Diarra ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay sida guusha ah ee loo ansaxiyay dastuurka cusub Arbacadii (1-dii August).
“Maanta waa maxsuulkii sannado badan oo ay dadka Soomaaliyeed soo qabteen shaqo adag iyaga oo taageero ka helaya beesha caalamka,” ayuu yiri Diarra. “Meel-meerinta dastuurka ku-meel-gaarka...



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






