Home » Maqaallo, Warar, Waxbarashada
Jaamacad Somaliland ku taala oo buugaagta ka dhigtay kuwo la heli karo
(Salaamanews)-Faatima Maxamed, oo ah 24 jir caafimaadka ka barata Jaamacadda Gollis ee Hargeysa, uma baahna in ay mar dambe ka werwerto helidda nuqullo buugaagta kuliyadeeda ah.
Buugaagta jaamacadaha ayaa ku yaraa Soomaaliya tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye, balse hadda Maxamed waxa ay haysataa fursad wanaagsan oo ah helitaanka buugaagta maadaama maktabad cusub oo elektaroonig ah bishii...
Prof. Jawaari oo dhiirra galiyay ardaydii ugu horreysay oo Muqdisho kaga qalin jabisay Master-ka
(Salaamanews)-Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay munaasibad shahaado lagu gudoonsiinayay ardaydii ugu horreysay oo ka qalin jabiyay heerka jaamacadeed ee Master-ka.
Ardayda oo ka koobneyd sagaal arday ayaa maanta ka qalin-jebisay jaamacadda Hope University kuwaasoo noqday ardaydii ugu horreysay oo shahaadada Master lagu guddoonsiiyay magaalada Muqdisho tan iyo burburkii dowladdii...
Hiiraan: Kooxda al-Shabaab oo barayaal quraan xirtay
(Salaamanews)-Kooxda al-Shabaab ayaa shalay xabsiga u taxaabtay macallimiintii dugsiyada Qur’aanka ee deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, sida ay SN u xaqiijiyeen qaar ka tirsan dadka deegaanka.
Macallimiinta oo tiradooda lagu sheegay 12 ayaa la xiray kaddib markii ay ka qeyb-gali waayeen bandhigga kitaab ay qortay al-Shabaab oo lagu soo ururiyay aayadaha iyo axaadiista ka hadlaya Jihaadka.
Wararka...
Puntland oo iskuullada ka hirgalineysa manhaj aan horey looga baran Soomaaliya
(Salaamanews)-Dowlad goboleedka Puntland wuxuu isbadal ku sameeyay manhajka waxbarashada oo lagu kordhiyay barashada dimuqraadiyadda iyo sida dadku u wada noolaadaan, waxaana xoogga lagu saari doonaa barashada nidaamka ururrrada ee gobolku ku tallaabsanayo.
Wasaaradda waxbarashada ee maamulka Puntland ayaa maanta shaaca ka qaadday in manhajka waxbarashada ee maamulkaas lagu dari doono maaddo lagu...
220 Arday oo ka qalin jabisay jaamacadda Plasma
(Salaamanews)-Xeebta Liido degmada C/casiis ee gobolkan Banaadir waxaa Jimcaha maanta ah lagu qabtay munaasibad ballaaran oo ay ka qalin jabineysay arday wax ka baratay jaamacadda Plasma oo kamid ah jaamacada sanadihii dambe laga furay Muqdisho.
Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay xeebta Liido, waxaana ka soo qeyb galay macallimiinta jaamacadda, maamulka, ardayda qalin jabineysay,...
Wasiirka horumarinta adeegga bulshada “Jiilka aqoonta ee birri wuxuu ku jiraa barakacayaasha maanta”
(Salaamanews)-Wasiirka wasaaradda horumarinmta adeegga bulshada marwo Maryan Qaasim, ayaa Axadda manta ah xariga ka jartay dugsiga, Dusiga sare ee Banaadir iyo xarumo waxbarasho oo ay maamuleyso hey’ad ka socota wadanka Turkiga.
Wasiirada ayaa sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in la dardar galiyo dib u dhiska aqoonyahanka dalka oo ay sheegtay inuu ka soo dhexmuuqdo jiilka waxbarashada ee baahida...
Xarun raadiye oo Muqdisho ku taal ayaa kaalmaynaysa dhalinta qoris iyo akhris la’aanta
Sabahi
Waxaa qoray Majiid Axmed oo Muqdisho jooga
Nofeembar 23, 2012
Soomaalida aan awoodin in ay tagaan iskuulada caadiga ah ayaa hadda awoodi kara in ay bartaan akhriska iyo qoraalka iyaga oo dhagaysanaya barnaamijta waxbarsho ee ay bixiso Raadiyo Iftiin, oo ah xarun baahinta ka bilwaday dhawr bilood ka hor magaalada Muqdisho iyada oo ka soo gasha 94.5 FM.
Raadiyo Iftiin ayaa ah xaruntii idaacaddeed...
21-ka Nov. Maalinta macallimiinta Soomaaliya (Warbixin)
(Salaamanews)-Maalimba macney bulsho u leedahay maantana waa maalin qiimo iyo sharaf ku dhexleh bulsha weynta Soomaalida, waana 21-ka November oo ah maalinta macallinka oo si weyn looga qiimeeyo dalka Soomaaliya.
Soomaaliya oo dhan waxaa maanta looga dabaal degayaa xuska maalintan faca weyn waxaana fantastiyayaha maalintan si weyn uga soo dhexmuuqanayo, macallimiinta wax ka dhiga Iskuullada nidaamiga...
Jaamacadda Camuud oo shahaado gudoonsiisay madaxweyne Siilaanyo
(Salaamanews)-Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo booqday gobollo kamid ah Somaliland, ayaa gaaray magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay saraakiil, masuuliyiin, macallimiin, Arday iyo culumaa’udiin, waxaana uu booqday meelaha ugu muhiimsan magaaladaasi Boorama.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa booqashadiisa intii uu ku jiray wuxuu tagay xarunta waxbarasho...
Ardaydii ugu badneyd oo ka qalin jabisay barashada culuumta Caafimaadka
(Salaamanews)-Machadka Ramadaan ee magaalada Beledxaawo ayaa waxaa ka qalin jabisay 200 oo arday baratay culuumta caafimaadka, iyagoo qaatay tababar la xiriira Caafimaadka oo socday hal sano.
Xaflad ballaaran oo si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday hotel ku yaal magaalada Beledxaawo ayaa waxaa ka soo qeyb galay marti shgaraf, macallimiinta dugsida, waalidiin, maamulka iyo Ardayda iskuulka Ramadaan.
Xafladda...



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






