(Salaamanews)-Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya militaarka Ethiopia, ayaa saaka oo jimcaha weerar ku qaaday xoogaga kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanno hoostag gobolka Baay ee koofurta dalka Soomaaliya.
Dad deegaanka ah ayaa noo xaqiijiyay in cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda ee dhawaan tababarka loo xiray oo mushaarkoodii la siiyay ay u ruuqaansadeen jiidaha dagaalka ee kooxda Al-shabaab iyo ciidamada dowladdu isku hor fadhiyaan.
Dagaalka ayaa laga baqdin qabaa inuu noqdo mid aad u culus madaama ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada militariga Ethiopia, waxaana jirta in ciidamada kooxda Al-shabaab ay isku urur sadeen gobolka Baay, kadib markii laga saaray dhowr gobol oo muhiim ahaa.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Baay, ayaa SN u sheegay in dagaalka uu ka dambeeyay amar ka soo baxay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhawaan booqasho ku tagay gobolkaasi, isagoo ka qeyb ahaa wafdigii wasiirka gaashaandhiga ee gaaray Baydhabo.
“Ciidamadu waxay heleen xuquuqdii loogu tala galay, ee mushaaraadka, waxaanu ka codseynaa inay xuquuqdii dalka gutaan oo ay Al-shabaabta umadda dhibtay meel ka saaraan” sidaasi waxaa yiri taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Shiikh Cali Diini.
Saan saanta dagaal eek a jirta gobolka Baay, ayaa imaaneyso iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan horjoogayaasha kooxda Al-shabaab oo laga qabsaday magaalooyin dhowr ah, kadib dagaal ay la galeen ciidamada iskaashanaya.
Salaamanews
Marko, Shabeellaha-hoose
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






