(Salaamanews)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Jimcaha manta ah weerar ay ku qaadeen fariisimo kooxda Al-shabaab ay ku leedahay deegaanka Booroow ee gobolka Shbaeellaha dhexe waxay ku soo qabqabteen dhallinyaro badan iyadoo halkaasi dhimasho iyo dhaawac ay kala kulmee ciidamada Al-shabaab.
Ciidamada oo ka warhelay in abaabul dagaal ay wadaan kooxo taabacsan Al-shabaab ayaa weerar ka hortag ah oo ay deegaanka Buuroow oo 12-km u jira magaalada Jowhar waxay ku qabteen 12-dagaal yahan oo taabacsan Al-shabaab iyadoo dagaalkaasi uu ku dhintay sarkaal sare oo hogaaminayay ciidanka kooxda Al-shabaab.
Afhayeenka ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha dhexe Daa’uud Xaaji Ciirro ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka ay ku dileen 5-ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiray sarkaal sare oo soo abaabulayay weerar ay la rabeen ciidanka dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale dad magacooda u diiday in warbaahinta loo adeegsado ayaa xaqiijiyay in horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab ay maanta ka baxsadeen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha dhexe oo ay ku xoogantahay fallaagada Al-shabaab.
“Waxaan kuu sheegi karaa walaaloow, in dhiman ka tirsanaay Al-shabaab oo dadka tumi jiray ay magaalada biriga ka tageen mana dhaqaan meeleey aadeen ilowse waxaa loo maleyhaa inay ka cabsadeen ciidamada dowladda oo magaalada ku soo dhawaaday” ayuu yiri qof magciisa diiday.
Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe si tartiib ah uga baxayay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana ciidamada dowladdu ay ku dhawaadeen magaalada oo ay u jiraan 12 km.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






