Latest

May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - webdesign

Home » Warar

Ciidamada huwinta ah oo billaabay dagaal jubada hoose iyo Gedo looga saarayo Al-shabaab

(Salaamanews)-Ciidamada Al-shabaab ayaa cabsi uga baxay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan military ka helaya xoogaga Itoobiya ee jooga koofurta Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada deegaano aan sidaa uga fogeyn Baardheere, halkaasoo difaacyo ay ka samesyteen.

Diyaad Cabdi kaliil oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in qorshahooda yahay inay gaaraan degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere.

“Qorshe ciidan waaye, ilaa berri waxaan rajeyneynaa inaan gaarno Baardheere, Buurdhuubo iyo Baardheere waa labada degmo kaliya ee kooxaha nabad diidka ku hareen”ayuu yiri Mr Kaliil.

Ciidamada Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay waday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u ballaaran, kaasoo ku wajahnaa deegaanada Gedo kaga sugan yihiin Xoogaga Al-Shabaab.

Degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere ayaa ahaa labada degmo ee gacanta Shabaabka ku sugnaa, waxaana labadii sano ee u dambeeyay ka baxay gacantooda degmooyin dhowr ah.

Dhanka kale Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya milateriga Kenya ayaa saaka ka baxay magaalada Afmadow si ay howlgallo lagu sifeynayo Al-Shabaab uga sameeyaan deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Gaashaanle dhexe Fatxi Xuseen Cabdi oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee Jubbada Hoose ayaa sheegay inay ciidanku ku wajahan yihiin deegaannada Xagar, Hargeysa Yarey iyo Qalaawila oo uu sheegay inay ku dhuumaaleysanayaan haraadiga maleeshiyada al-Shabaab.

Wuxuu sheegay inay howlgalladu socon doonaan tan iyo inta laga xaqiijinayo in deegaannada gobolka Jubbada Hoose aanay joogin ciidamada ururka Al-Shabaab.

Salaamanews

Marko, Shabeellaha-hoose

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal