(Salaamanews)-Hey’adda xiriirisa gargaarka bvani’aadanimo ee Soomaaliya OCHA warbixin ay soo saartay ayay ku sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay cudurka shuban biyoodka ugu dhinteen gobollada Shabeellaha hoose iyo Jubada hoose.
Warbixintu waxay muujisay in cudurkan oo halistiisa wata uu soo ritay ugu yaraan 180 ruux oo ku dhaqan labada gobol, waxaana uu saameyntiisa ugu badan ku baahiyay degmada Badhaadhe ee gobolka jubada hoose.
Cudurka ayaa sidoo kale la sheegay inuu saameeyay deegaanno iyo degmooyin ay kamid yihiin Afmadoow, Badaale iyo meelo kale oo dhamaantoodba ka tirsan Shabeellaha hoose iyo Jubada hoose.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in hay’ado qaabilsan caafimaadka ay dawo iyo shaqaale caafimaad u direen goobaha uu cudurka ka dillaacay si ay ula tacaalaan xaaladda halkaasi ka jirta.
dhawaan ayaa carruur iyo dhallaan aad u badan ay cudurkan shubanbiyoodka ugu dhinteen gobolka jubada hoose gaar ahaan Jazeeradda Gudhaa oo la soo sheegay in uu cudurka soo ritay ku dhawaad 100-qof.
Cabdishakuur Shakra, Salaamanews
shakra@salaamanews.com
Muqdisho, Soomaaliya



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






