Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Islam, Warar

Culimada oo ka digtay inuu fido fikirka takfiiriga ah

(Salaamanews)-Bayaan ka soo baxay wasiirrada sare ee culumaa’udiinka Ahlu sunnah Waljamaacah ayaa loogu baaqay dowladda Soomaaliya in wacyi galin ay u sameyso bulshada si ay uga digtoonaadaan dhagarta kooxda Al-shabaab ay ku heyso dhallinyarada iyo carruurta uusan garaadkoodu ku filneyn.

Ahlu sunnah ayaa sheegtay in Al-shabaab ay dooneyso in askar ay dhigato carruur aad u da’yar taasina aanay dhici Karin, waxaana ay dowladda Soomaaliyeed ka codsatay in wacyi galin ay u sameyso carruurta ay dhici karto in ay ku kadsoomaan Afkaarta qaldan ee kooxda Al-shabaab.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dhallinyaro badan oo ka tirsan Al-shabaab ay Qatar ugu jiraan in dagaallada ay ku dhintaan iyadoo hub u sida Al-shabaab.

“Dowladda iyo waalidiinta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa inay ka hortagaan kooxda Al-Shabaab caruurta yar iyo dhallinyarada ay marin habaabineyso, hadii aan laga hortagin arrimahaasi waxaa dhici doona dhibaatooyin aan laga soo kaban doonin” waxaa sidan lagu yiri bayaanka AHSWJ.

Bayaanka ayaa hoosta ka xarriiqay oo far muuqata ku qoray in cawaaqib xun laga dhaxli doono afkaarta Al-shabaab hadii aanan la dabar jarin kooxda iyo dhibaatooyinka ay wado.

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna waqljamaacah ayaa ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, inay caruurtooda kontrol ku sameeyaan had iyo goor ayna geeyaan goobaha waxbarashada caadiga ah.

Waxaa ay ka digeen dhiabatada xagjirnimada iyagoo waalidiinta kula taliyay inay caruurta kala soo baxaan dugsiyada iyo goobaha waxbarashada ee ay leeyihiin kooxaha taageera afkaaraha xag-jirnimada ku dhisan oo u adeegaya kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida.

Waa warbixintii ugu weyneyd oo ay soo saaraan masuuliyiinta majmaca culumaa’udiinka Ahlu sunnah waljamaacah, waxayna Al-shabaab ku sheegeen fitno weyn oo ka jirta geeska Africa.

 Info@salaamanews.com

 

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal