(Salaamanews)-Talefashinka caalamiga ah AL-jazeera ee fadhigiisu koowaad yahay magaalada Dooxa ee xarunta wadanka Qadar, ayaa sanadkan cusub billaabay inuu isku fidiyo qaar kamid ah wadamada caalamka, waxaana TV-gu isku dayayaa inuu awood dheeraad ah ku yeesho qaaradda Ameerika.
Talefashinka Al-jazeera ayaa markii ugu horreysay taariikhda heshiis rasmi ah la galay dowladda Mareyknaka, waxaana uu bixiyay lacag dhan 40 million oo dollar si uu helo macaash daawadayaal cusub oo uu ka sameyn doono qaaradda Laatiin Ameerika.
TV-gu wuxuu xarnta ugu weyn ee Mareykanka uu ka furanayo uu ka sameynsanayaa magaalada New York, waxaana dadka siyaasadda falaanqeeya qaarkood ay wakaaladda wararka Reuters u sheegeen in culeys uu ka imaan karo lacagta joogtada ah ee $500m.
Talefashinku wuxuu gaari doonaa qaaradda inteeda badan wuxuuna xarumo gaar ah ku yeelan doonaa magaalooyinka New York, Washington, DC, Los Angeles, Miami iyo Chicago, waxaana la filayaa inuu gaaro dhamaan Mareykanka, isagoo shaqaaleysiin doona in ka badan 300 oo shaqaalo Mareykanka jooga ah.
Agaasimaha guud ee talefashinka Al-jazeera, Ahmed bin Jassim Al Thani, ayaa yiri “Sanado badan ayaanu ka fakareynay inaan sameyno horumar dhinaca samaha ah oo ku aadan baahinta wararka iyo barnaamijyadeenna, waxana hadda helnay tallaabadii koowaad oo ah heshiiska aan la galnay Mareykanka waanu iscaawin doonaa Mareykanka iyo inaga”.
Al-jazeera ayaa soo caan baxay sanadihii u dambeeyay isagoo wararkii ugu xiisaha badnaa ka tabiyay dagaalkii wadanka Ciraaq, waxaana uu soo bandhigay siro badan oo caalami ahaa, wuxuuna noqonayaa TV-gii ugu horreeyay oo carab leedahay oo heshiis la galo xukuumadda Washington.
Halkan hoose ka daawo warbixin uu telefashinku ka sameeyay xaruntiisa Mareykanka.
Salaamanews
Minneapolis, Minesotta
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






