(Salaamanews)- Dalkeenna Soomaaliya wuxuu burbur iyo dagaal ku jiray muddo labaatan sano ah, waxaana sanadihii dmabe lagu xusuustay dagaallo iyo ururro hadba meel sheeganayay, inay maamulkeedu leeyihiin, waxaana sanadkan 2012 lagu xusuustaa dhacdooyin horumar iyo dib u dhacba iskugu jira laakiin marka leys barbar dhigo waxaa badan horumarka uu dalku gaaray.
Sanadkan 2012, wuxuu daaha ka rogay isbadal cusub oo uu galaayo dalkeenna Soomaaliya, wuxuuna xaqiijiyay isbadal dowladnimo,iyadoo dalku yeeshay dowlad buuxda oo la xisaabtami karta dowladda kale kadib 12-sano oo kumeel gaar dalku ku jira.
24-kii January, qaramada midoobay ayaa 16-sano kadib xafiiskeedii siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) ka furatay magaalada Muqdisho, iyadoo ka soo guurtay magaalada Nairobi, ee caasimadda wadanka Kenya.
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine, Mahiga, ayaa taariikh weyn ku tilmaamay dib u furitaanka xafiiska UN-ka ee Soomaaliya.
02-dii February, wadigii ugu heerka sarreeyay oo ka socday Britain oo muddo 20-sano ah yimaadda Muqdisho ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana wafdigaasi soo dhaweeyay madaxda dowladii kumeel gaarka aheyd ee Soomaaliya.
[Muuqaalkaan waxaan ka soo xiganay Hiiraan Online]
10-Februay, Kooxda Al-shabaab ayaa si rasmi ah ugu biirtay urur weynaha Al-qaacidda, waxaana hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godani oo ay Shabaabku u yaqaannaan Shiikh C/raxmaan Abuu Zubeyr, ayaa sheegay in ururka Al-shabaab uu ku biiray shabakadda Al-qaacidda.
Isku biiritaanka Al-shabaab iyo Al-qaacidda, waxaa xaqiijiyay hogaamiyaha Shabakadda Al-qaacidda Ayman Al-zawahiri oo sheegay in Al-shabaabka Soomaaliya uu xubin ka yahay uruka Al-qaacidda.
13-kii February, waxaa magaalada Garoowe, ee xarunta gobolka Nugaal lagu soo xiray shirkii Road map-ka oo ay ka qeyb galeen todobo xubnood oo ka qeyb qaatay saxiixa heshiiska qariiradda nabadda Soomaaliya.
Shirkaasi waxaa soo xiray madaxweynihii dowladdii kumeel gaarka aheyd mudane Shariif Sheekh Axmed, oo sheegay in wadadii nabadda cagta la saaray.
23-kii February, waxaa magaalada London, ee dalka Britain, ka furmay shir weyne looga hadlayay dhibaatada Soomaaliya, waxaana shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 55-dowladood lagu heshiiyay qodobbo dhowr ah oo gaarayay 26-qodob oo kala baxsan.
Kulankaasi waxaa soo xiray ra’isal wasaaraha Britain David Cameron, oo sheegay in maalintaasi ay noqotay mid baal dahab ah ka galeysa taariikhda Soomaaliya.
Isla 23-kii February, waxaa ay noqotay maalintii ugu taariikhda weyneyd, waxaana markii ugu horeysay kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ka qeyb gashay Somaliland, iyadoo kulanka uu tagay madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo.
24-kii April, waxaa Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo ay fulisay qof dumar ah, waxaana qaraxaasi uu ka dhacay xarunta murtida iyo madadaalada National Theatre, munaasibadaasi, waxaa lagu xusay sanad guurada Talefashinka qaranka Soomaaliyeed.
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ee waqtigaasi C/wali Maxamed Cali Gaas oo hadalka wata ayaa waxaa mar qura dhacay weerar ay dadkii xafladda soo xaadiray si weyn kaga dhaxeen.
28-kii April, waxaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, lagu ansixiyay dastuur uu yeeshay maamulkaasi Puntland, waxaana ansixinta dastuurka Puntland ka hadlay madaxweyne Faroole.
01-dii June, waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ka dhacay kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya oo daba socday kulankii 23-kii Febraayo ka dhacay London, kulankaasina waxaa ka qeyb galay ku dhawaad 54-dowladood oo la socday arrimaha murugsanaa ee Soomaaliya.
06-dii June, dowladda Mareykanka, ayaa $7 Million, oo doollarka Mareykanka dul dhigtay todobo hogaamiye oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, waxaana hogaamiye kasta oo kamid ah todobadaasi la sheegay inuu raadinayo Mareykanka.
07-dii June, kooxda Al-shabaab oo ka jawaabeysay hanjabadda Washington, ayaa neef geel ah duldhigtay madaxweynaha Mareykanka, Barrack Obama.
20-kii June, waxaa markii ugu horreysay shir fool ka fool ah wada yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Siilaanyo.
Kulankaasi oo ka dhacay magaalada Dubai waxaa soo qaban qaabisay dowladda Imaaraatka carabta waxaana ay labada dhinac isku soo qaadeen sida loo hirgalin karo heshiiskii ay wada gaareen wafdigii Soomaaliya iyo Somaliland ee horey ugu kulmay wadanka Ingiriiska.
22-kii June waxaa la saxiixay nuqulkii ugu dambeeyay ee dastuurka Soomaaliya, waxaana saxiixitaanka dastuurka uu ka dambeeyay kulamo kala duwanaa oo ka dhacay Muqdisho, Garoowe iyo Gaalkacyo.
26-kii June waxaa madaxda dowladda KMG ah cambaareeyay guddiga la socda cunaqabateynta saaraan Soomaaliya iyo Eritrea, Monitoring Group, waxaana madaxda dowladii kumeel gaarka lagu eedeeyay inay lacag qaran lunsadeen ayna sameeyeen masuqmaasuqii ugu xooganaa.
Gudoomiyihii baarlamaanka waqtigaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa beeniyay eedda loo soo jeediyay kadib hadal uu siiyay idaacadda VOA.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo maalin kadib eedda shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa gabi ahaamba warbixinta diiday isagoo ku tilmaamay mid aanba sharciyad ku dhisneyn.
Bilihii May, June, iyo July waxaa Soomaaliya ka socday dadaalkii isbadal doonka, kaasoo ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo xafiiska qaramada midoobay UNPOS.
Dastuurka Soomaaliya ansixintiisa ayaa diiradda koowaad la saaray waxaana baaqday shir weyne lagu ansxin lahaa dastuurka kaaso lagu waday inuu Muqdisho ka dhaco 12-ka bisha July laakiin waxaa loo dhigay 25-ka iyadoo waqtigaasina uu bilaabmay ansixinta dastuurka dalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya iyo qaramada midoobay xafiiskeeda Soomaaliya ayaa iska kaashaday soo xulista odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo markii dambena keenay xildhibaannada Soomaaliya hadda hogaankeeda haya.
01-dii August, ayaa la ansixiyay dastuurka Soomaaliya, iyadoo beesha caalamku ay soo dhaweyeen ansixinta dastuurka lagu guleystay kadib dadaal ay sameysay dowladii kumeel gaarka aheyd ee waqtigaasi ka jirtay Soomaaliya.
20-kii August, ayaa la sooafjaray waqtigii kumeel gaarka ahaa, ee Soomaaliya ay ku jirtay mudada 12-ka sano, waxaana 20-august waxaa la soo afjaray KMG, waxaa 221-mudane, waxaa la dhaariyay baarlamaanka …., shariif sheikh axmed ayaa ka hadlay dhaarta.
28-kii August, waxaa waxaa baarlamaanka Soomaaliya uu doortay, gudoomiye rasmi ah, waxaana tartan wada galay xubno ka koobnaa afar masuul, laakiin waxaa baratanka ugu badan uu u dhexeeyay rai’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr iyo gudoomiyaha rasmiga ah ee hadda talada haya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
10-kii Seotember, waxaa ay aheyd maalin taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka gashay waxaana muddo 40-sano ka badan kadib doorasho xalaal ah lagu qabtay Muqdisho.
Doorashadaasi, waxaa ku guuleystay madaxweynaha talada haya mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay doorasho ay isku soo taageen 25-musharrax oo uu kamid ahaa madaxweynihii hore Shariif Sheekh iyo ra’isal wasaarihiisii Gaas.
Labo cesho kadib doorashada madaxweynaha waxaa Muqdisho ka dhacay weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday hotel-ka Jazeera oo madaxweynuhu kulan kula lahaa wafdi ka socday dowladda Kenya.
20-kii September, weerar ay fuliyeen rag isa soo miidaamiyay ayaa ka dhacay maqaaxi ku taal xarunta hooyooyinka ee Muqdisho, waxaana ku dhintay 16-ruux, oo ay ku jireen wariyeyaal Soomaaliyeed.
Wariyeyaashii lagu dilay weerarkaasi naxdinta lahaa waxaa kamid ahaa madaxii wararka talefashinka dowladda Liibaan Cali Nuur, C/sataar Daahir Sabriye, oo ahaa madixii barnaamijyada talefashinka qaranka, C/raxmaan yaasiin oo ahaa agaasimihii idaacadda VOD.
28-kii September, ciidamada Kenya, dowladda iyo Raaskambooni, ayaa kooxda Al-shabaab ka qabsaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
06-dii October, madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo magacaabay ra’isal wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo ahaa ganacsadi shirkad ku lahaa dalka Kenya.
17-kii ra’isal wasaaraha Soomaaliya mudane C/qaadir Faarax Shirdoon, ayaa soo dhisay xukuumadiisa, cusub oo ka koobneyd 10-wasiir, waxaana markii ugu horreysay ra’isal wasaare xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda loo magacabaay qof dumar ah.
14-kii November, madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Horseed oo noqday xisbigii ugu horreeyay oo laga furto deegaannada maamulkaPuntland.
28-kii November, waxaa deegaannada Somaliland, ka billaabatay doorashada golaha deegaanka, waxaana madaxweynaha Somaliland, uu ka dhawaajiyay inuu noqonayo qofka koowaad ee codkiisa dhiibanayo.
Doorashooyinkaasi natiijadoodu waxay keeneen inay axsaabta qaranka matalaan Kulmiye, Ucid, iyo Wadani, iyadoo 7-urur oo doorashada ka qeyb galay uu gees uga baxay urur siyaasadeedka Xaqsoor oo qaadacay doorashada iyo natiijada ka soo baxday.
28-kii November. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay doorashada golaha deegaanka ee Somaliland, isagoo hambalyo u diray shacabka Somaliland.
Sanadka 2012 waxaa uu murug ku reebay suxufiyiinta Soomaaliyeed iyadoo sanadkan kaliya la dilay 18-wariye oo ka shaqeynayay saxaafadda Soomaaliya, iyagoo ku guda jiray mihnadooda saxaafadeed.
Waa sanadkii ugu dhimashada badnaa wariyeyaasha Soomaaliyeed, ururrada caalamihga ah ayaa tirade wariyeyaasha sanadkan la dilay yareeyay oo ka dhigay 12-wariye.
Sanadkan waxaa dhabar jab xoogani uu soo wajahay kooxda Al-shabaab oo laga qabsaday magaalooyin istaraatiiji ahaa sida Marko, Shabeellaha hoose, Afgooye, Kismaayo iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Waxaa qoray Cabdishakuur shakra oo Muqdisho jooga
shakra@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






