(Salaamanews)-Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray jimcadii la soo dhaafay gobolka Minnesota ee ay ku dhaqan tahay Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool, iyadoona uu madaxweynuhu kumanaan Soomaali ah kula hadlay hool weyn oo ku yaala magaaladda Minneapolis.
Taa baddelkeeda waxaa ka goobtaasi ku hor-banaan baxay dad ka soo horjeeda siyaasada madaxweynaha Soomaaliya, gaar ahaan marka laga hadlayo nidaamka maamul u sameynta gobollada Soomaaliya ama habka feedaraalka, ee ay ku dhisan tahay dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay mudane Xassan Sheekh Maxamuud.
Hadaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka banaan-baxa, iyadoona Samatar Saciid Salaax, oo Salaamanews ka tirsan uu mikarofoonka la dhex-qaaday qaar ka mid ah dadkii dibad-baxayey oo ka hadlaya waxaa ay ku dhaliilsan yihiin madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo dowladda uu hoggaaminayo.
“Arragtidaada ummuurtaan ku saabsan hoos ku qor”
Salaamanews
info@salaamanews.com
Minneapolis, Minnesota










![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






