(Salaamanews)-Fammaamada caanka ah ee Nimca Maxamed Xasan (Nimca-dareen) ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay waayihii lagu weeraray dhulka Soomaalida EThiopia, markaasoo ay ku heystay erayo ay ka caroodeen dadyoowgii goobta ku sugnaa qaarkood.
Nimca Dareen ayaa muujisay sida ay u jeceshahay dalkeeda, waxaana ay xustay inaanay u dul qaadan karin waxyaabaha qaarkood, waxayna ku faantay in loo bareero jirkeeda iyadoo lagula dagaallamayo dadnimadeeda iyo dalkeeda jaceylka ay u qabto.
Wareysiga Fannaanadda ayay ku muujisay inay soo martay wadamo badan oo dibadda ah laakiin mustaqbalka ayay raja ka muujisay inay sal dhigan doonto magaalada Jig jiga oo ay sheegtay in lagaba kari la’yahay in dalkii ay dib kaga noqoto.
“Jig jiga waa meel nabad ah, waa dalkeygii waa meel aan jeclahay, dadkeenna Soomaalida ee qurbaha jooga dan uunbaa na geysay ee jaceyl aan uqabno maahan” ayay ku tiri wareysigeeda Fanaanada.
Dareen, ayaa xustay in mustaqbalkeeda uu ku jiro Jig jiga, waxayna xustay in dalka qofka uu ka soo jeedo uu wax kasta uu doono ka sameysan karo, iyadoo cadeysay in aanayba qurba wax uga baahneyn.

Halkan hoose ka daawo wareysiga Nimca Maxamed Xasan [Nimca Dareen].
Salaamanews
Addis-Ababa-Ethiopia
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






