(Salaamanews)-Munaasibad si weyn loo soo qaban qaabiyay oo habeenkii xalay ahaa ka dhacday magaalada Amsterdam, ee dalka Holland, ayaa waxaa heeso layaableh ku soo bandhigtay fannaanada codkeeda dadyoow badan ay ka heleen Ubax Nacfi oo todobaadkanna soo qaaday heesta (Garasho) oo noqotay tan ugu saameynta badan todobaadkan.
Fannaanadda oo taageerayaasheeda ka soo qeyb galay munaasibadda la hadashay inta aanay billaabin qaadista heesihii xalay ayay shaacisay in sanadka 2013-ka ay u diyaarisay heeso ay rajeyneyso inay ka heli doonaan dhamaan inta taageerta iyo inta xiiisaha u qabta fanka Soomaaliyeed.
Ubax Nacfi waxay ku nooshahay dalka Holland, waxayna ku luuqeysaa heeso aad u macaan, iyadoo dadkii xalay kasoo qeybgalay xafladia isweydiinayeen Fannaanada oo ay horay u maqli jireen codkeeda iyo muuqaalkeeda aad loola dhacay.
Ubax oo da’deedu tahay 19-jir ayaa kamid ah fanaaniinta mustaqbalka wanaagsan ku dhex leh bahda fanka Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in sanadkan ay soo bandhigi doonto heeso cusub.
Halkan hoose ka daawo heesta Garasho oo ay fannaanada Ubax dhawaan soo qaaday.
Salaamanews
Nairobi, Kenya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






