(Salaamanews)-Wadanka Shiinaha waa wadanka ugu mucjisaadka badan caalamka, marka la fiiriyo dhacdooyinka naxdinta iyo yaabka ku reeba umadda kale ee caalamka, waxaana lagu tilmaamaa dal kaalmaha hore kaga jira xadaaradda dunida.
Shiinuhu wuxuu ka ganacsadaa caruurta, waxaana ku yaal xarumo ay dalxiis maalintiiba u tagaan malaayin ruux oo qaarkood ay ka kala yimaadeen shanta qaarad aduunka, dowladduna maanay mamnuucin ka ganacsiga carruurta.
Qaar kamid ah madaxda dalka Shiinaha ayaa sanadkii 2009-jideeyay ka ganacsiga caruurta xiligaasi ka hor ayaa si dhuumaaleysi ah ubadka loo kala gadan jiray, waxaana tan iyo waqtigaasi la kala gatay 11,000 oo carruur ah.
Shiinuhu wuxuu kaloo ku caan baxay dhibaatada caruurta, 14-kii bishan December ayaa iskuul sare oo ku yaal bartamaha dalkani, waxaa nin mindi ku hubeysnaa uu ku qaaday weerar, isagoo dhaawacay 22-caruur ah oo aan waxba galabsan.
Weerarkaasi wuxuu ka dhacay magaalada Chenpeng, gobolka Henan ee bartamaha dalka Shiinaha, waxaana illaa iyo hadda la ogaan sababta ninkaasi uu weerarka nuucaasi ah u geystay.
Sidoo kale dalkani Shiinaha, wuxuu ku caan baxay afduubka caruurta, oo dadku ay aad uga digtoonyihiin, waxaana jira In dowladu ay aad uga werwerto afduubka caruurta ee aan la hubsan.
Wasiirka amaanka guud ee dalka Shiinaha ayaa Al-jazeera todobaadkani u sheegay in la soo badbaadiyay caruur aad u badneyn oo laga kala afduubtay sagaal gobol oo dalka ka tirsan.
Guud ahaan sanadkan waxaa Shiinaha la afduubtay caruur dhan 360,000, qaarkood waa la badbaadiyay kuwa kalena waa la soo furan waayay sida ay xaqiijisay waaxda badbaadinta caruurta ee xukuumadda Beijing.
Salaamanews
Beijing, China
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






