(Salaamanews)-Dhamaadka sanadkan 2012-ka ayaa waxaa soo baxday hees aad u macaan oo ay todobaadkan soo qaadeen fanaaniinta codkooda laga helay Fartuun Cumar iyo fanaanka Cabdulcasiis Iskalaaji, labadooduba waxay kamid yihiin fanaaniinta qurbaha u badneyd waayihii burburka dalka.
Heestan waxaa soo bandhigay Studio Liibaan Yare, waxaana ay kamid tahay heesaha loogu jecelyahay magaaladan Nairobi, oo aad arkeyso qof kasta inuu Sterio yaasha ka dalbanayo heestan oo laga helay.
Heestan oo magaceedu yahay “HAB ISII” ayaa u muuqaneyso inay meesha kala baxday heeso badan oo muuqaalkoodu la soo saaray iyo kuwa dib loo soo qaaday oo la soo cusbooneysiiyay.
Heestaan Hab Isii waxaa ka dareemaysaa marka aad dawato qaab ku cusub fanka Soomaalida,waxaana arkaysaa Fartuun Cumar iyo Iskalaaji oo ciyaaraya Taango walibana aad isku luxaya
Fartuun Cumar iyo Iskalaaji ayaa heestaan si fiican ugu raxaystay waxayna u qadayaan qaab talantaali ah oo dagan aadna u macaan.
Si aad uga bogato heesta halkan hoose ka daawo
Salaamanews
Nairobi, Kenya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






