(Salaamanews)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo haatan safar ku jooga dalka Britain ayaa fariin muuqaal ah waxaa uu ugu baaqay qurbe joogta Soomaalida ee ku dhaqan wadamada reer galbeedka in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, islamarkaana ay ka qeybqaataan dib u dhiskiisa.
Madaxweynaha ayaa fariintiisa ku sheegay in ay Soomaaliya gashay waji cusub, islamarkaana uu dalka ka dhacay is beddal dhinacyo badan leh, gaar ahaan dhinaca ammaanka. Waxaana uu si gaar ah uga codsaday qurbe-joogta in ay maalgashi ku sameeyaan dalka, isagoo sheegay in ay dowladdiisu si gaar ah u eegi doonto dhibaatooyinka iyo baahiyahooda gaarka ah.
“Soomaalida ku nool caalamka daafihiisa, waxaan leeyahay Soomaaliya isbeddal ayaa ka socda, isbeddalkaasina waa idiin baahan yahay. Idin kuna ha suginina in dalkii Soomaaliya qurxoonaado oo aad ku noqotaane’, ee waxaan idin leenahay soo noqda oo aan wada quruxsano dalkii,” ayuu farriintiisa ku yiri madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Hadaba halkaan hoose ka daawo farriinta uu qurbe joogta u diray madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






