(Salaamanews)- Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kumanaan Soomaali kula hadlay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, oo ah halka ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool wadamada qurbaha.
Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa Soomaalidii faraha badneyd ee halkaasi isugu soo arruuray u sharaxay xaaladda uu haatan marayo dalka Soomaaliya iyo isbeddalkii dhawaan ka dhacay ee lagu soo dhisay dowladda uu madaxweynaha ka yahay, gaar ahaan marka la eego waxyaabihii u qabsoomay muddadii koobnayd ee ay xilka haysay dowladda cusub ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa dalka Mareykanka, iyadoona uu madaxweynuhu kulamo la qaatay madaxda Mareykanka oo uu ka mid yahay dhiggiisa Barack Obama iyo xoghaya arrimaha dibadda Hillary Clinton, isagoo kala hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin iskaagiga labada dal, iyadoona dowladda Mareykanku intii kulamadaasi ay socodeen ku dhawaaqday in ay marki ugu horreysay aqoonsatay dowladda Soomaaliya muddo 21 sanno kaddib oo ay Soomaaliya burbursaneyd.
Halkaan ka daawo khudbadda madaxweynaha oo dhammeystiran
Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale intii uu Mareykanka ku sugnaa waxaa uu kulamo la qaatay jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka qaarkood, isagoo xalay madaxweynuhu la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladda Washington iyo nawaaxigeeda.
Sidoo kale halkaan ka daawo qaar ka mid ah sawirrada soo dhaweyntii ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ku dhaqan ay u sameeyeen madaxweynaha Soomaaliya.
Sawirrada iyo muuqaalkaba waxaa qaaday Siyaad Saciid Saalax oo Salaamanews ka tirsan
siyadsalah@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






