Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

Daawo: Muuqaal iyo warbixin ku saabsan burburka iyo guuldarada ku dhacday garoomadii iyo kooxihii ciyaaraha Soomaaliya

(Salaamanews)-Dalka Soomaaliya waloow uu burburay hadana waxaa intaasi dheeraa dhibaatada uu kala kulmayay caada qaatayaasha oo saameeyay dhankasta haday ahaan laheyd siyaasadda dalka iyo dhanka arrimaha bulshada.

Hadaba xulka qaranka Soomaaliyeed ayaa joogteeyay sanadihii burburka in guul darro loo sii saadaaliyo ciyaar kasta oo ay isku diyaariyaan taasoo rumowda marka lagu soo garaaco in ka badan gool ilaa inta ay quusanayaan kuwa wata calanka quruxda badan ee Soomaaliya.

Markaad maqasho xulka qaranka Soomaaliya ayaa la ciyaarayo xul kale way adagtahay inaad guul saadaaliso, waxaana taasi marqaati looga dhigan karaa niyad xumida ay qabaan dadka Soomaaliyeed oo quus ka taagan horumar ay hiigsadaan ciyaartooyda Soomaaliyeed.

Qofkastoo aad weydiiso ciyaarta Soomaaliya ay la dheeleyso xul kale wuxuu kuugu hadal gaabinayaa “Waaba laga soo badinayaa hee naga daa hadalkooda”, waxaana taasi ugu wacan hab xulista ciyaartooyda oo aan loo maareyn qaab cadaalad iyo sinnaan ku dhisan.

Qaabka loo soo xulo ciyaartooyda qaranka Soomaaliya.

Xulka qaranka sidaannu wada ogsonahay waa magaca matalayo Soomaali weyn meel ay joogto, waxaana loogu tala galay in ciyaartooyda laga soo xulo dhamaan gobollada dalka Soomaaliya si ay dalka oo dhan u matalaan.


Ciyaartooyda xulka qaranka Soomaaliya iyo macallinkooda oo sawir wada jir ah galay

Sida warar hoose ay ku heleyso Shabakaddan Salaamanews, ciyaartooydii ugu dambeysay ee ka qeyb galay koobka bariga iyo bartamaha qaaradda Africa, ayaa waxaa laga xulay hal degmo oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, marka laga soo tago labo ciyaartooy oo kaliyah.

Ciyaartooydaasi ayaa waxaa ay natiijadoodu noqotay in lagu soo dubto goolal nagtu aanay maqli karin, ilna qabashadeeda daaye, waxaana si cad u muuqaneyso in xadgudbyada kubadda cagta ee Soomaaliya ay dhaawacyaan qaranimada iyo shgarafta calanka Soomaaliyeed.

Ciyaartooydaasi ka qeyb galay koobka bariga iyo bartamaha qaaradda Africa, ayaa muddo sanad ah tababar ku qaadanayay garoon ciyaareed ku yaallo Jamhuuriyadda Djibouti, iyagoo mararka qaarna tababar nafis ah ku qaadanayay Muqdisho.

Sida xog hoose aan ku helnay horraantii sanadkan 2012, ayaa ciyaartooy da’yar oo qurbaha ka timid, una muuqday in qibrad ay u leeyihiin kubadda cagta waxay tageen dalka jabuuti gaar ahaan garoonka lagu tababarayay xulka Soomaaliya waxayna codsadeen in lagu daro liiska ciyaartooyda laakiin dhiirra galin iyo aqbalaad ay helaan iska daaye waxaa loola dhaqmay si ka baxsan muwaadinnimada Soomaaliyeed.

Dhallinyaradaasi oo markii horeba iska soo urursaday qaaradda Yurub ayaa iyagoo niyad jabsan ku laabtay wadamadii ay ka kala yimaadeen, waxaana ay qaadeen cuqdi ku aadan in dalkooda aan laga qadarin wanaagga iyo horumarka.

Maxaa laga dhaxlay Masuqa ciyaartooyda?

Ciyaartooyda waxay guul gaari karaan marka ay heystaan macallin xushmeeya oo ula shaqeeya qaab wanaagsan oo iyaguna ay ixtiraamaan, laakiin waxaa taasi badalkeeda booskii macallinimada Soomaaliya la wareegay sanadkan 2012 macallin ka soo jeeda dalka Uganda oo si iskiis ah u milkiyay booskii macallinimo ee Macallin Geelle.

Sidaan ognahayba ciyaartooyda qaaradda Africa, ee ka qeyb galay kulamadii ay Soomaaliya safka kaga jirtay waxaa xulkastaba uu ballan qaad iyo niyad dhis ka heystay hogaanka dalkiisa uu ugu sarreeyo madaxweynaha dalkastaba.

Xulka Soomaaliya in Madaxweyne, wasiir,xildhibaan ama gudoomiye u hambalyeeyo ee xitaa ma heystaan kalsoonida mid kamid ah madaxda Soomaalida, waxaana eedda ugu badan qaadan karo xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya oo aan waqti ku bixin soo xulista ciyaartooyd hami leh oo lagu soo xulo qaab cadaalad ah.

Sanadkan 2012, waxaa xulka Soomaaliya uu ka qeyb galay kulan taariikhda xun ee Soomaaliya meel muuqata ka galay, wuxuuna noqday sanad uur ku taallo ku reebay bulshada Soomaalida oo niyad xumi ku reebay ciyaartooy badan oo hami ka lahaa ciyaaraha Soomaaliya.

Kulankii koowaad waxay Soomaaliya wajahday dalka Burundi, waxaana lagu fiiqday 5-1, waxaana soo xigay kulankii ay qaabishay xulka Sudan oo ku soo dhamaaday 1-0, waxaana lagu tilmaamay ciyaartaasi midii ugu fiicneyd waloow markastaba la taagnaa shabaqa Soomaaliya, iyadoo guul darradii ugu dambeysay 7-0 looga soo dhexsaday dalka Soomaaliya kadib kulan ay wajaheen xulka Tanzania.

Ciyaartaasi ugu dambeysay waxay farriin u dirtay inta Soomaalinimo sheegato oo qaarkood waa intii garoonka Kampala joogtaye ay ku reebtay uur ku taallo iyagoo ka xishooday calankii ay ku soo labisteen iyo magacii ay wateen ee Soomaaliya.

Guul darrada maxaa nabaday?

Waloow Soomaaliya ay soo mareen dad magac ku leh ciyaaraha nuucyadooda kala duwan sida Cabdi bile Cabdi iyo ciyaartooy kale oo caan ka ah dunida hadana waxaa wali leys weydiinayaa maxaa Soomaaliya guul darrada u joogteeyay su’aashaasi waxaan hordhigay Wariye Ilyaas Cali Cadaani oo warbixinno dhowr ah ka qoray Ciyaaraha Soomaaliya, aadna u falaanqeeya arrimaha Sports-ka.

“Waxaan oran karnaa waxaa dillooday dadkeena Soomaaliya masuqmaasuq ku saabsan, Qabiil, Lacag, Nin jecleysi iyo kanaa ii dhaw, marka waxaan dhihi karnaa tusaale ayaan u heysannaa in laga gudbay waqtigii ay Soomaaliya ku hoos jiri laheyd cagaha dadka danta gaarka wata” ayuu ku jawaabay Mr Ilyaas.

Si looga gudbo guul darrooyinka loona gaaro guulo taariikhda galo maxaa la gudboon madaxda ciyaaraha Soomaaliya, markale ayaan su’aashaasi weydiiyay Wariye Ilyaas.“Sida aan wada ognahay ciyaartooyda Soomaaliyeed, ma heystaan niyad dhis kaga yimaado madaxweyne, ama masuul kale, tusaale ahaan ciyaartooydii ka qeyb gashay tartanki bariga iyo bartamaha Africa, waxaa qaarkood ballan qaadyo u sameeyay xukuumadihii ay matalayeen, qaarkood waxaa garoomada keenay madaxdoodii sida madaxweynaha Sudan oo illaa garoonka diyaaradaha ciyaartooydiisa geeyay” ayuu yiri markale.

Soomaaliya sanadkan waxay nasiib u yeelatay In calankeeda ay geyso garooman caalami ah iyadoo soo bandhigtay hab ciyaareed cusub sida ciyaartii olombic-kada aduunka iyo ciyaartii ka dhacday dalka Qadar oo ay gebdhaha Soomaaliya meel wanaagsan gaareen hadaba ma la oran karaa dowrka ciyaartooyda qaarkood wuu muuqdaa?

“Haa, maxaa yeelay waad ogeyd, sidii ay gebadha Soomaaliyeed uga soo muuqdeen tartankii ka dhacay dalka Qadar, gebadhahaasi runtii waxaa laga keenay dibadda, waxayna qibrad wanaagsan u lahaayeen ciyaarta ay soo bandhigayeen” ayuu ku soo koobay wariye Ilyaas.

Inkastoo sanadkan 2012-ka uu taariikh ku leeyahya dalka Soomaaliya, isla makraasina la helay dowlad taam ah waxaa wali jirta saameynta iyo masuqmaasuqii 21-kii sano ee la soo dhaafay dillooday dalka Soomaaliya, waxaase rajeyneynaa in laga sii gudbi doono sanadka dambe insha allah.

Halkaan hoose ka daawo muuqaal”Video” dhowr maalin ka hor laga sameeyey garoomada ciyaaraha Muqdisho, oo qaarkood saldhigyo ciidan ah iyo dhibaatada soo foodsaatay ciyaaraha Soomaaliya muddadii uu burburku dalku ku jiray.

Salaamanews 

Muqdisho, Soomaaliya

Info@salaamanews.com

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal