(Salaamanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, waxaa isaga iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ay booqasho ku joogaan dalka Turkiga, waxaana uu halkaasi kulamo kula qaadanayaa madaxda wadankaasi sida: dhiggiisa dalka Turkiga Cabdallah Guul iyo waliba ra’isal wasaaraha dalkaasi.
Kulankii ugu horreeyey ayuu madaxweymaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh, waxaa uu la yeeshay dhiggiisa wadankaasi, iyadoona labada madaxweyne ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ka mid tahay sii kobcinta iyo sare u sii qaadida xiriirka walaaltinimada ku dhisan ee Turkiga iyo Soomaaliya iyo waliba siddii ay dowladdaTurkigigu u sii amba qaadi lahaa howlaha uu ka wado gudaha Soomaaliya. Waxaa sidoo kale kulankii shalay ay madaxdu ku kala saxiixdeen heshiis.
Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka kulankii shalay dhexmaray madaxweynaha dalkeena Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga iyo sida madaxweynaha Soomaaliya loogu soo dhaweeyey guud ahaan Turkiga iyo waliba kulankii heshiiska ay labada dal ku kala saxiixanayeen.



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






