(Salaamanews)-Waa markale iyo waanada islaamka ee xubinteennada umuuraha Islaamka, maanta waxaanu ku soo qaadeynaa muxaadiro cinwaankeedu yahay “Nafsadiinna xisaabiya”, waxaa noo soo jeedin doona fadiillatu Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
Muxaadiradan waxaa soo duubay Al-bader Channel oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya, waxaana Sheekh Umal uu muxaadiradan kaga hadlayaa sida lagama maarmaan ay u tahay in laga fakaro birrito oo ah Aakhiro iyo in la dhimanaayo.
Sidoo kale muxaadiraddan waxaa ay iftiimineysaa sida saxaabadii nabigeennada CSW ay isaga ilaalin jireen wax kasta oo dhibaateynaya imaanka qofka Muslimka ah, waxaana kamid ah tusaale ahaan inay Nabiga CSW u sheegi jireen wixii ay arkaan.
Allah ha nagu anfaco muxaadiradda Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dhinacyo badan taabaneyso, waxaana bulshada islaamka u ballan qaadeynaa hadii aanu nahay bahda Salaamanews inaanu idiin soo gudbin doonno mawaadiicda muxaadarooyinka Islaamiga ah insha allah.
Halka hoose ka daawo Muxaadaradda oo ah mid aad u xiiso badan.
Salaamanews
Nairobi, Kenya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






