(Salaamanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isniintii shalay booqasho ku tagay dalka Ugandha, halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey.
Madaxweynaha ayaa isla shalay la kulmay dhiggiisa dalkaasi Ugandha Yoweri Museveni, waxaana labada madaxweyne isla soo qaadeen qodobbo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan iskaashiga labada dal, ciidamada Uganda ee ka qeyb qaadanaya howlgalka AMISOM sidii ay u sii wadi lahaayeen iyo wada shaqeyn toos ah oo dhexmarta xukuumadaha Kampala iyo Muqdiso.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa sidoo kale la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ugandha, isagoo madaxweynuhu uu warbixin ka siiyey xaalada uu wadanku marayo, isagoo ku booriyey in ay dalka dib ugu soo laabtaan, islamarkaana ay ka qeybqaateen dib-udhiskiisa.
Qaar ka mid xubnaha jaaliyada oo munaasibadda ka hadlay ayaa u mahadceliyey madaxweynaha iyo wafdigiisa, booqashadooda ay Ugandha ku yimaadeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa maalmihii ugu dambeeyey uu booqasho rasmi ah ku marayey qaar ka mid ah wadamada dariska la ah Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ay ciidamadoodu ku sugan yihiin Soomaaliya [AMISOM], sida Kenya, Jabuuti iyo Ugandha, kuwaasi oo uu madaxweynuhu kala xaajoonayey sidii laga isaga kaashan lahaa arrimaha daris wanaaga. nabad galyada gobolka iyo waliba sidii meesha looga saari lahaa kooxda xagjirka ah ee Al-shabab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqashadiisaasi kaddib waxaa uu maanta dib ugu laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Hadaba halkaan hoose ka daawo guud ahaan sawirradii soo dhaweynta madaxweynaha ee dalka Ugandha.
Isla booqashadaasi wadama dariska la ah Soomaaliya, sidoo kale halkaan hoose ka daawo muuqaal ku saabsan booqashadii sidoo kale uu labo maalin ka hor ku tagay dalka Kenya. Iyadoona uu muuqaalkaan ku saabsan yahay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabanayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenta iyo sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda wadankaasi Kenya oo isaguna qolyaha wararka u aqrinaya heshiis is afgarad ah oo dhexmaray labada dal.
Xaquuqda sawirrada: Warbaahinta qaranka
Salaamanews
Kampala, Uganda
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






