(Salaamanews)-Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qeybgaleen boqolaal ruux oo muslimiin ah oo ka kala yimid wadamo kala duwan oo adduunka ah, sida gobolada Mareykanka, Canada, Ingiriis iyo waliba qaar ka mid ah dalalka qaarada Asia ayaa lagu qabtay hool weyn oo ku yaala magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Munaasibadaan oo uu soo qaban-qaabiyey masjidka Nuurul-iimaan oo ka mid ah masaajidda ku yaala gobolka Minnesota, ayaa waxaa ka soo qeybgalay culumo waaweyn oo si weyn loogu ictiraafo diinta Islaamka, islamarkaana ka kala yimid wadamo badan oo caalamka ah.
Furitaankii madashaan ayaa waxaa ka hadlay mashaa’iq badan oo diimeed, kuwaasi oo ka mid ahaa Sheekh Caafi, oo isaguna ka mid ah culumada masjidka Nuurul-iimaan, ee soo qaban-qaabiyey munaasibadda. Waxaana uu ugu horreyn u mahadceliyey guud ahaan dadkii ka soo qeybgalay munaasibadda gaar ahaan culumadda meelaha fog-fog uga yimid ka qeybkeeda.

Intii ay socotay munaasibadda xuska dhalashada nabi Muxamed (NNKH) waxaa laga jeediyey illaa afar muxaadaro, kuwaasi lagu kala tabinayey luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska, islamarkaana ay goobta ka akhrinayeen culumo waaweyn. Waxaana muxaadarooyinkaasi looga sheekeynayey taarikhdii iyo waayihii wanaagsanaa ee nabi Muxamed ILLAAHAY ha ka raali ahaadee.
Sidoo kale, dhalinyaro iyo caruur da’yar oo isugu jiray gabdho iyo wiilal oo dugsigada gobolka Minnesota ka barta Qur’aanka kariimka ah iyo guud ahaan barashada diinta Islaamka ayaa munaasibaddu intii ay socotay ku soo bandhigay Nabi ammaano luuqadda Carabiga ah.
Xiritaankii munaasibadda oo saacado badan socotay ayaa waxaa ka hadlay Sheekh C/qaadir Baajuri, oo ka mid ahaa culumaddii ka soo qeybgalay, waxaana uu kula dardaarmay dadkii goobtaasi isugu yimid iyo guud ahaan muslimiinta in ay ku dadaalaan barashada diinta Islaamka, gaar ahaan in ay ilmahooda baraan taarihkhda wanaagsan ee Nabi Muxamed (NNKH).
Halkaan hoose daawo sawirrada munaasibadda.
Sidoo kale halkaan hoose ka daawo muuqaalka munaasibadda
Sawirrada iyo warbixintaba waxaa sameeyey Siyaad Saciid Salaax oo Minnesota jooga
Salaamanews
Minneapolis, Minnesota



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)







Asc dhamaan inta jecel rasuulka masha allah aadan ugu farxay intaa muslimiin le eg ayagoo dhul gaalo ka talisa jooga inay muujiyaan jecelka rasulka waxayna sababi kartaaa inay gaalo badan kuso islaamaaan masha allah guuuuuuuuuuul
massha allah aad ayaan oogu faraxsanahy
in intaan muslimiin ah ay xabiibkeena scw ay xusaan allow xabiibkeena dadka jecel badi aad ayaan uqiirooday waa farxad weyn
masha allah waxaan leeyahay in tajecel xabiibkeena mohamed scw masha allah allah idin xifdiyo dhamaan in ta muxabada rasuulkeen ay ku jirto wana kufarax sanahay waxaan leeyahay meelkas ta oo lagadhigoyo miwliid ka Nabigeen scw waxaan hawada u soomarinayaa hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobikarin waxaan leeyahay ishii bukto ku bikaacso intaan bukiney ku raaxeesta masha allah
Asc.w.w. Maashaa allaah waa arrin lagu farxo sida loo waynaynayo ixtifaalka nabiga NNKH intaas oo muslimana aÿ isugu timid waxay farriin cad u tahay inay nabiga jecel yihiin.
waxaan leeyahay jacaylka nabiga Allaah hanagu dilo Amiiiiiiiiiiiin Amiiiiiiiiiiiin. Sidoo kale walaalayaal meelaad joogtaanba dhiga ixtifaalka nabiga. kuwa necebna dhag jalaq ha u siinina
intaaass iyo warsan iyo salaama
AWALAN ASALAAMUCALAYKUM WARAXAMATULAAHI WABARAKAATUHU INNTAA KA DIB MAGARANAAYO MAANTA WX AAN SHEEGO FARXAD AWGEEED ALX ILAAH AYA AMAHADI OO IDIL U SUGNAATAY LAAKIIN WAXAAN LEEYAHYA INTII JECL U XAFLAAYDAYNTA NABIGEENA NNKH AYAAN LEEYAHY ALLE JANADIISA HA KU ABAAL MARIYO AMIIN AMIIN AMIIN
Runtii xafladaan waan jopgey aadbey iskudhacdey nahaabiyana wadna xanuun baa kudhacey,waxaan layaabey nahaabiyo markasta oo aan xusno mowlidka muxaadaro ceybey kashergaan marka sanadka xusub laxusaayo kamahadlaan tan nabigaa lee diidaan ayagu
Runtii xafladaan waan joog
ey aadbey iskudhacdey nahaabiyana wadna xanuun baa kudhacey,waxaan layaabey nahaabiyo markasta oo aan xusno mowlidka muxaadaro ceybey kashergaan marka sanadka xusub laxusaayo kamahadlaan tan nabigaa lee diidaan ayagu