(Salaamanews)-Munaasibaddano ayaa waxaa soo qabanqaabiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota, taasi oo ay uga gollahaayeen in ay ku soo dhaweeyaan wasiirka warfaafinta iyo gaadiidka ee dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, oo isugu ku noolaa Minnesota intii aan loo magacaabin xilka wasiirnimo ee uu ka hayo dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Intii ay socotay munaasibadan ayaa waxaa ka hadlay dad tiro badan oo isugu jiray qeybaha bulshada, kuwaasi oo ka sheekeeyey hambiga ay u qabaan in ay arkaan dalkooda oo nabad ah, oo ay ka jirto dowlad cudud xoogan leh, islamarkaana ka baxa dhibaatadii muddada ka badan 21 sano ka jiray ee ku qasabtay in badan oo iyaga ka mid ah in ay guryahoodi iyo deegaanadii ay ku noolaayeen ay isaga dagaagaan.
Cabdullaahi Ciilmooge, wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta ee dowladda Soomaaliya, oo ka hadlay munaasibadaan soo dhaweynta ah ee loo sameeyey ayaa jaaliyadda uga warbixiyey xaaladda uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya, gaar ahaan horumarka ay sameysay dowladda uu wasiirka ka yahay waqtigii yaraa ee ay dalka ka shaqeynaysay.
Waxaa uu sheegay in ay dowladda Soomaaliya muddadii ay dalka ka jirtay wax badan ka qabatay dhinacyo badan sida in ay ku guulaysatay dib u soo celinta ammaanka meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, oo ay ka mid tahay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
Cabdullaahi Ciilmooge, ayaa ka codsatay qurbe-joogta Soomaalida ee ku dhaqan wadamada dibadda in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, islamarkaana ay ka qeyb-qaataan dib u dhiskiisa iyo waliba maalgalintiisa.
Halkaan hoose ka daawo sawirrada munaasibadda oo dhammeystiran
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Salaamanews
Minneapolis, Minnesota



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






