(Salaamanews)-Daawo wariyeyaal si toos ah dood ugu wadaagayey barnaamij si toos ah la isku arki karo, oo laguu talo galay in bulshooyinka caalamku si muuqaal ah u wada xariiraan. Barnaamijkaan oo lagu magacaabo Google Plus, waxaa dhawaan adeegyadeeda ku soo dartay shirkadda Internet-ka ee Google.
Hadaba wariyeyaashan oo dhammaantood kala jooga wadamo kal duwan ayaa barnaamijka oo ay ahayd markii ugu horraysay, islamarkaasina la eegayey sida uu u shaqeyn karo hab-warbaahineed waxaa ay doodaada ku saleynayeen sidee Soomaalidu uga faa’ideysan karaan barnaamijkaan cusub ee Google Plus, gaar ahaan saxaafadda Soomaalida sida: Telefishinnada?.
Barnaamijkaan oo marka la fiiriyo faa’idooyin fara fadan u leh warbaahinta iyo bulshada caadiga ahba, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Maxamed Cabdullaahi Siddii, oo ah suxufi inta badan ka shaqeeya horumarinta iyo sare u qaadida saxaafadda Soomaalida iyo waliba ka hortaga tacdiyada suxufiinta Soomaalida.
Si aad u daawato barnaamijka iyo dooda wariyeyaasha, islamarkaasna aad uga faa’ideysato guji nigaxaan (Link) hoose.
https://www.youtube.com/watch?v=gXIF4owMLAY&list=UUOFs4VIIAUbrLKHFcElBKMw&index=1
Salaamanews
info@salaamanews




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






