(Salaamanews)-Wararka Salaasada saaka ah laga helayo gobolka waqooyi bari ayaa sheegaya in rabshad xoogan ay magaalada Gaarisa isqabsatay kadib dab xooga oo ka kacay bartamaha suuqa magaaladaasi.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dabka ka kacay bartamaha magaalada uu gabi ahaanba baabi’iyay afartii suuq ee ugu weyneyd maagaalada Gaarisa, waxaana xaalad deg deg ah lagu soo rogay magaalada.
Wariyeyaal ku sugan magaalada Gaarisa ayaa sheegay in magaalada oo ka koobneyd afar xaafadood maanta aan leysku gudbi Karin ganacsigii magaaladana uu gabi ahaanba baab’ay.
Maxamed Nuurre, oo kamid ah ganacsatada ku hanti beeshay dabka ee naftooda kala baxsaday dabka ayaa sheegay in ciidanku ay dadka kala cirdiyeen xaaladuna ay ka sii dartay kadib dabka markuu baabi’iyay labada Hotel ee ugu weyn magaalada.
Ciidamada ammaanka ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi, kuwaas oo la sheegay in ay qabqabteen dad Somali u badan, waxaana gebi ahaan istaagay inta badan ganacsigii magaaladaasi oo iridadha loo laabay.
Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka Kenya mudane Faarax Macallin oo wax laga weydiiyay rabshadda ka socotay magaalooyinka Kenya, ayaa wuxuu sheegay in arrintan ay shaqada dad masuuliyiin ah uga tagi doonaan.
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






