(Salaamanews)-Dadka Mareykanka ayaa salaasada maanta oo ah (06-Nov-012) waxay u dareerayaan fagaaraha codbixinta si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada madaxtinimada oo ay u baratamayaan labada musharrax ee Madaxweyne Obama oo mar labaad jagada doonaya iyo musharraxa cusub ee Mitt Romney.
Doorashadan ayaa imaaneyso iyadoo labada musharrax ay soo gaba gabeeyeen ololahoodii ugu adkaa, waxayna maalmihii dambe safarro taageero raadin ah ku soo bixiyeen gobollada codadka dadweynuhu ay aadka isku badalaan ee kala ah Ohio, Virgnia, Iowa, Wisconsin, New Hamshire iyo Florida.
Musharraxa xsibiga Jamhuuriga Mr Romney, ayaa ololahiisii ugu dambeeyay uu ka soo dhigay gobolka Florida wuxuu ka jeediyay khudbad uu si weyn ugu weeraray madaxweyne Obama wuxuuna isku tilmaamay shaqsiga kaliyah ee isbadalka Mareykanka keeni kara.
Madaxweyne Obama oo isna ka soo muuqday fagaaraha weyn ee gobolka Wisconsin, ayuu taageerayaashiisa ugu baaqay inay codka taageerada siiyaan Salaasadda ay doorashadu dhaceyso.
Waloow ay culeysyo keeni karaan safarrada musharrixiinta ay iskaga daba noqdeen gobollada qaarkood ayaa hadana dadka Mareykanku waxay codkooda siiyaan hogaamiyaha ay isbadalka ku taamayaan.
Gobolka looga shaki qabo inuu isbadal keeno ayaa warbaahinta Mareykanku waxay ku tilmaantay Ohio, oo aan la saadaalin karin dadka gobolkaasi boqolkiiba inta ay codka siin doonaan musharrixiinta loollameysa.
Aaraa dadweynaha laga qaaday doorashada ka hor ayaa muujisay in labada musharraxba ay aad iskugu dhawyihiin, laakiin waxaa la xusay in gobollada qaarkood uu dhibcaha ku horreyn karo Madaxweyne Obama.
Lacagat ku baxday ololaha doorashada Mareykanka ayaa lagu qiyaasay $6 Billion oo dollar, waxaana aad looga shaki qabaa In dadka cadaanka ah ee taageersan Xisbiga Jamhuuriga ay tiigsan doonaan Romney, halka dadka Madowga Mareykanka ah ee la jira xisbiga Dimuqraadiga ah iyo qowmiyadaha kale ay codka ku kaabi doonaan madaxweynaha talada haya ee Obama.
Dadka sheedda kala socda doorashada Mareykanka ayaa sheegay inaan saadaal buuxda la bixin karin, isla markaana aan la sii sheegi karin cidda guusha u dhaw, waxaana musharrax kasta uu u baahanyahay inuu helo 270-cod si guusha dhankiisa ay u timaado.










![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






