(Salaamanews)-Hey’adda hufnaanta caalamiga ah warbixin ay soo saartay ayay ku soo bandhigtay wadamada ugu masuqmaasuqa badan dunida, iyadoo dalka Soomaaliya uu kamid noqday liiska dalalka ugu musuqa badan caalamka.
Warbixinta ayaa muujisay in dalka Soomaaliya uu mar kale qeybta sare uga jiro liiska dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka, sida ay soo bandhigay hey’adda lagu magacaabo Transparent International.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dalalka Denmark, Finland iyo New Zealand ay noqdeen dalalka ugu musuqmaasuqa yar adduunka, halka Soomaaliya, North Korea iyo Afghanistan ay weli yihiin dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka.
Sida ku cad warbixinta dalka Soomaaliya wuxuu kamid yahay wadamada maamul ximada ay dillootay waxaan dhowr jeer oo hore dalka Soomaaliya lagu daray dalalka masuqmaasuqa ku caanka baxay.
Warbixintu waxay muujisay in heerarka laaluushka, ku xadgudubka awoodda iyo heshiisyada qarsoon wali ay ku badan yihiin dalal badan oo caalamka ka tirsan.
Dalka Soomaaliya oo 21-kii sano ee la soo dhaafay aan la heyn awood dowladnimo ayay hey’addu muujisay in aan la sii saadaalin Karin inuu ka soo kabsan doono masuqmaasuqa hareeyay.
Sidan oo kale ayaa la xusuustaa warbixin ay soo saareen guddi madax bannaan oo la shaqeeya qaramada midoobay in dalka Soomaaliya gaar ahaan madaxdii xilligaasi si toos loogu eedeeyay in ku xadgudub dhaqaale ay sameeyeen.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






