Latest

May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

Dastuurka Maser meel marintiisa muran baa ka dambeeya (warbixin)

(Salaamanews)-Taageerayaasha xisbiga walaaloowbay “Ikhwaanul-muslimiin” ayaa garab taagan madaxweynaha wadanka Maser, waxaana ay ayidsanyihiin in loo codeeyo dastuurka wadanka Maser, iyagoo u muuqda inay yihiin kuwa libinta dastuurka helay.

Kuwa ka soo horjeedo codeynta dastuurka ayaa sheegay in danaha dadka muslimiinta uun uu eegayo dastuurka la meelmarinayo ee uu yeelanayo wadankani Maser, taasoo dhaawaceysa dimuqraadiyad iyo wada noolaasho uu ku faanayo xisbiga madaxweyne Mursi.

Kooxaha siyaasad dhexaadka ah ee aan dhinacna la jirin ayaa ku baaqaya in laga shaqeeyo danaha dadka iyo dalka iyadoo meel fog leyska dhigayo qadiyadda ay dhici karto in lagu laabto gacan ka hadal hadii la sii huriyo colaadda socaneysa.

Hogaamiyaha xisbiga muslimiinta walaaloobay Maxamed Badiic ayaa ugu baaqay muslimiinta iyo dadka kale ee reer Maser inay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda, isagoo xusay hadii la mucaarido hogaamiye Mursi in laga dhaxli doono dagaal aan dhamaad laheyn.

“Dadka reer Maser waa inay billaabaan dib u dhiska dalkeenna, maanta waa maalinta aan dhalanay, oo kale waa maalin ay xor yihiin wiil, gebar, Muslim iyo gaal” ayuu yiri Maxamed oo ah hogaamiyaha xisbiga Ikhwaanka maser.

Dadka Masaarida ayaa 60% codkooda siiyay In la meel mariyo dastuurka dalka, iyadoo aan cidna lagu xadgudbeyn, waxaana taasi ay tilmaameysaa in seddex meelood meel leysku raacay ansixinta dastuurka dalka maser.

Dastuurka wadanka Maser, ayaa dhigaya in laba bilood lagu soo dhiso baarlamaanka dalka, iyagoo isla mudadaasna xafiisyada kala wareegaya sii hayayaasha, waxaana wararka ku dhaw madaxweynuhu sheegayaan in la dadajin doono doorashada baarlamaanka.

Dadka siyaasadda falaanqeeya ayaa sheegaya in dalka Maser, uu la daalaa dhacayo siyaasad kala jabsan, taasoo sii hurin doonta dhaqaala xumida laga baqayo in dalka ay ku habsato.

Dowladaha reer galbeedka qaarkodo ayaa taageeray ansixinta dastuurka dalka Maser, laakiin xukuumadda Washington, ayaa ugu baaqday madaxweyne Mursi inuu dalka iyo dadkuba dajiyo.

Maser, ayaa yeelaneysa dastuur aan ansixintiisa loo wada dhameyn oo u muuqda inay ka soo horjeedaan codad badan oo ku dhaw boqlkiiba nus, maadaama afartan boqolkiiba ay mucaaradeen, waxaana wadanku uu dhawaan doortay madaxweyne Mursi.

Bishii Febraayo sanadkii 2011 ayaa la tuuray madaxweynihii hore ee Maser, Maxamed Xusni Mubaarak kadib markii ay ku kaceen dadka reer Maser, waxaana ay u muuqaneysaa inuu taageeradiisii hore waayay madaxweyne Mursi kadib markii uu si islaamnimo leh uu kaga hadlay gumaadka dadka reer Falastiin.

Salaamanews

Qahira, Maser

Info@salaamanews.com

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal