Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Warar

Dawladda Soomaaliya oo doonaysa in ay dib u hanato hantidii dibadda

Dawladda Soomaaliya ayaa ka shaqaynaysa qorshe ay dib ugu soo ceshanayso hantidii ay xakameeyeen dawladaha ajnabiga ah iyo hay’adaha taniyo markii ay dawladdii dhexe dhacday sanadkii 1991.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf Xaaji ayaa bilowday safar ay dhawr waddan ku kala tagayso usbuucan si ay u soo diiwaan galiso hantida maaliyadeed ee Soomaaliya ee ku jirta bangiyada dibadda, iyo sidoo kale hantida maguuraanka ah ee ganacsiga, safaaradaha, diyaaradaha iyo maraakiibta.

Waxa ugu horeeya ee qorshaheeda ku jira waa safarro ay ku tagayso Isutaga Imaaraadka Carabta, Talyaaniga iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska.

“Waxaan qaban doonnaa dib u eegid aad u fiican oo aan ku eegayno hantida Soomaaliya ee adduunka ee qaaradaha adduunka oo dhan, sidoo kale waxaan la tashanaynaa la taliyalaal xagga sharciga maaliyada oo Soomaali iyo ajnabiba ah,” Aadan ayaa u sheegtay Sabahi Diseembar 27-deedii. “Dawladda Soomaaliya ayaa codsan doonta soo celinta lacag ay hayaan masuuliyiinta Swiss, iyo sidoo kale maraakiibteena iyo diyaaradaheena yaala Jarmalka, Talyaaniga iyo Yaman.”

Hay’adda Kormeerka Suuqa Dhaqaalaha ee Swiss ayaan wali cadaynin baaxadda xisaabaadka bangigii dhexe ee dawladda Soomaaliya iyo wada shaqayntii ka dhaxaysay bangiyada Swiss iyo madaxdii Soomaalida ee muhiimka ahaa oo hantidoodii la xanibay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Fawsiyo Yuusuf Xaaji oo qorshaynaysa in ay u safarto dhawr waddan oo dibadda ah si ay u diiwaan galiso ulana soo wareegto hantida dawladda ee dhuntay illaa iyo wakhtigii ay dawladdii dhexe burburtay sanadkii 1991. [Maxamed Cabdiwahab/AFP]

Wasiirka Arrimaha Dibadda Fawsiyo Yuusuf Xaaji oo qorshaynaysa in ay u safarto dhawr waddan oo dibadda ah si ay u diiwaan galiso ulana soo wareegto hantida dawladda ee dhuntay illaa iyo wakhtigii ay dawladdii dhexe burburtay sanadkii 1991. [Maxamed Cabdiwahab/AFP]

Qalalaaasihii ka dambeeyay burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya markay socdeen, ayaa dhawr ka mid ah dawladaha ajaanibta ah ay xanibeen keydadkii rasmiga ahaa ee lacagta dawladda Soomaaliya si ay uga ilaaliso in si khalad ah loo isticmaalo. Laakiin, in badan oo hantidii maguuraanka ahayd ee dawladda ee dibadaha taalay, kuwaas oo ay ku jiraan dhismayaashii safaaradihii hore, waa la maalmul xumeeyay ama lamaba hayo.

Sida ay sheegayso warbixin Qaramada Midoobay ka soo baxday oo si hoose loo faafiyay Luuliyo, si xun u maamulidda hantida caamka ah waxay socotay xilligii Dawladda Federaalka Ku meel gaadhka ah, iyada oo 70% dakhligii lagu dhunsaday musuqmaasua, xatooyo, iyo khasaaro. Inta badan lacagtaas waxaa la tuhunsan yahay in dibadda loo diray.

Wasiirka Maaliyadda Maxamuud Xasan Sulaymaan ayaa ka codsaday in bahda caalamku ay la shaqeeyaan Soomaaliya si ay uga kaalmeeyaan helitaanka hantidoodii oo dhan.

“Kama laba labaynayno in aan dib u soo ceshano lacag si sharci daro ah loogu xawilay kaydad ajnabi ah, kuwaas oo ay ku jiraan kaydadkii bangiyada ee dawladihii hore, iyo [kuwa laga xaday] gargaarkii lacageed labaatankii sano ee la soo dhaafay,” Sulaymaan ayaa u sheegay Sabahi. “Waxaan qorshaynaynaa barnaamijyo aan kaga codsanayno jaalayaasheena Soomaalida ah, kuwaas oo ay ku jiraan madaxdii hore ee maaliyadda, [in ay sii daayaan] waraaqaha daba galaya lacagahaas.

Nofeembar, golaha wasiirrada ayaa codsi rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyaga oo ka codsanaya in ay ka caawiyaan dib u helidda lacagaha iyo hantida dibadda ku maqan.

Isku-dayadii hore ee dib u helidda hantida dibadda

Diseembar 2009, ayaa madaxwaynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu u magacaabay guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Cali Cabdi Camalow inuu noqdo la taliyihiisa dhinaca maaliyadda si uu u soo celiyo boqolaal milayn oo doolar oo la rumaysan yahay in lagu shubay kaydad bangiyada ajaanibta ah, ayna ku shubeen madax hore oo ka tirsanaa dawladihii hore ee 21-dii sano ee la soo dhaafay.

“Doorashada iyo u magacaabista Cali Camalow xafiiskiisa iyo masuuliyada la saaray waxay ahay mid muhiim ah, toosan iyo waliba tallaabo muhiim ah, laakiinse madaxwaynihii hore lama uusan tashanin [maamul goboleedyada] Puntland iyo Somaliland mana uusan u haysanin awood buuxda arrintan isaga oo [aan ahayn madaxwayne dawlad rigli ah],” Idman Daahir Cawaale, oo ah baadhe Soomaaliyeed oo xaga maaliyadda ah ayaa sidaas yiri.

“Xaaladda ayaa sii xumaatay kaddib markii uu shaqaalaysiiyay hay’ad [Maraykanka saldhigeedu yahay] la yiraahdo Shulman Rogers si ay u noqoto la taliye dhinaca sharciga ah ayna kaalmayso guddoomiyhii hore ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya,” ayuu u sheegay Sabahi. Heshiiskan muranka dhaliyay wuxuu siin lahaa Shulman Rogers $50,000 iyo 3.5% oo ka mid ah hanti kasta oo Soomaaliyeed ama kaalmo lacageed oo ay ku guulaystaan inay soo dhiciyaan.

Waxaa qoray Cadnaan Xuseen oo Muqdisho jooga

Isha: Sabahi

 

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal